Wararkii ugu dambeeyay weerar xalay ka dhacay Boosaaso

Ilwareed Online

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa Koox bastoolado ku hubeysneyd oo fiidnimadii xalay toogasho ka geysatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taalla isgoyska Afar irdood ee magaalada ayaa waxaa ku geeryooday qof shacab ah, waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Saldhiga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle C/raxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah.

Taliye ku xigeenka iyo ninka shacabka ah ayaa dhaawacooda durbadiiba weerarka kadib waxaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Boosaaso, si halkaasi loogu dabiibo dhaawacooda.

 

Dableydii weerarka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka Dagaalka, kana tirsan Booliska Puntland.

Weerarka kadib ururka Daacish war ay soo saareen waxa ay ku sheegteen masuuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen weerarkan in ay fuliyeen xoogag iyaga ka tirsan.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadan, balse weli waxaa socda howlgalada Ciidamada ay ku raadinayaan dableydii weerarka geysatay.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Wararkii ugu dambeeyay weerar xalay ka dhacay Boosaaso appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author