Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalkii Maxaas Iyo Dhimashada oo Badatay

Dagaal khasaaro badan gaystay, ayaa xalay ka dhacay duleedka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay beelo halkaasi wada degga.
Beelahan, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku wada muransan yihiin deegaamayn laga samaynayay deegaanka Banyaaley, oo hoos-tagga Degmadaasi Maxaas.

Gudoomiyaha Galgaduud ayaa xaqiijiyay in dagaalka labadaasi beelood uu salka ku hayo khilaaf ka dhashay lahaanshiyaha dhul bannaan.

Dadka dhintay ayaa ilaa haatan lasoo sheegayaa iney gaartay ku dhawaad 10 qof halka ilaa 20 kalana ay ku dhaawacmeen.

Dhaawacyada, ayaa waxaa loo kala qaaday isbitaalada Baledweyne iyo Guriceel, sida uu xaqiijiyay Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Maxaas.

Maamulka Galgaduud iyo kan Hiirshabelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalkaas oo xal laga gaaro.

Dagaalkan, ayaa saamayn ku yeeshay xuduuda kala qaybisa Gobolada Galgaduud & Hiiraan, waxaana soo badanaya baaqyada loo jeedinayo labadaasi beelood.

The post Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalkii Maxaas Iyo Dhimashada oo Badatay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author