Warar ku saabsan Weerar ka dhacay Guriceel

Ilwareed Online

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel ee gobolka Galgauduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dhaawacay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degaanka.

Koox hubeysan ayaa lagu soo waramaya in ay xalay rasaas ku fureen wiil dhalinyaro ,oo fadhiyay meel maqaayad ah, waxaana soo gaaray dhaawac culus.

Kooxihii Xabadaha furay ayaa goobta ka baxsaday,waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamo la sheegay in ay tirsanaayeen maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe.

Maamulka Ka jira Magaalada Guriceel ee Ahlusunna oo aan xariir la sameynay waxa ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan dilka ka dhacay Magaalada.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in ciidamada Ahlusunna ay Magaalada ka bilaabeen howlgallo ka dib dilkaasi.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Warar ku saabsan Weerar ka dhacay Guriceel appeared first on Ilwareed Online.

} else {

You might also like More from author