War Deg Deg ah: Maleeshiyaad Hoobiyaal ku soo tuurtay Xaafada Buulo Xuubay oo mid ka mid ah la dilay

Maleeshiyaad Hoobiyaal ku soo tuurtay Xaafadda B/Xuubay ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa mid kamid ah la dilay,waxaana la qabtay Gaarigii ay Hoobiyaasha ka soo dhex tuurayeen.
Raggii Hoobiyaasha soo Tuurayay ayaa galay Guri ku yaalla Xaafadda B/Xuubeey, waxaana Guriga Gudaha u galay Ciidamada NISA oo eryanayay,iyadoo laga soo badbaadiyay Dadkii Degenaa Guriga uu galay Ninka la socday Kooxda Hoobiyaasha tuureysay.
Dhanka kale Ciidamada ayaa la sheegay in Guriga Gudahiisa ay kula dagaalamayaan Ninka, waxaana weli socda Howlgalka ay wadaan Ciidamada NISA, iyadoo hoobiyaasha la soo tuuray ay ku dhaawacmeen dad rayid ah oo ilaa shan ruux ah.

Are you in need of cheap kamagra Chewable, but unable to find it? Buy in for just 5.46 right here!

You might also like More from author