War Deg Deg ah: Dablay Hubaysan oo Muqdisho ku dishay Xoghayihii Ururka haweenka Qaranka

Ilwareed Online

Kooxo hubeysan oo wadatay gaari yar ayaa toogasho ku dilay xoghayaha guud ee Ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xaashi iyo Nin lagu magacaabo Axmed Xaashi Xirsi oo ay dhashay Batuulo Axmed Gabale oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.
Wararku waxay sheegayaan in dilka xoghayahii guud ee Ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xaashi isgoyska VIA ROMA ee degmada X/Weyne ee magaalada Magaalada Muqdisho.
Xoghayahii guud ee Ururka Haweenka Qaranka iyo Canab Cabdullaahi Xaashi iyo Axmed Xaashi Xirsi ayaa la sheegay inay wateen Gaari noociisa uu ahaa Surf, waxayna labadaasi xubnood ay ku dhinteen isla goobtaasi.
C/Fitaax Cumar Xalane Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay wadaan howlgallo la xiriira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen raga dilka gaystay.
Dhanka kale Saraakiisha amniga ayaa sheegay in gaariga nuuca loo yaqan Isbaasiyo oo ay saarnaayeen rag hubeysan ay dilka gaysteen, waxayna sheegeen in ragga falka gaystay ay goobta ka baxsadeen.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post War Deg Deg ah: Dablay Hubaysan oo Muqdisho ku dishay Xoghayihii Ururka haweenka Qaranka appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author