Wallaalaheena Carbeed, Mise Waraabaheena carbeed!!!!

Shirkii madaxda dalalka carbeed ee 29/3/2017 ka dhacay dalka Jordan. Waxaan ka fileynay in arrimaha Somalia la siiyo muhimad gaar bacdamaa somaliya ay ka jirto xaalada adag haba ugu horeeyso Abaartuye, in la fuliya balan qaadkii hore ee dhaqaaliha somaliya loogu yaboohay, wadamada bad iyo berri nagu heysta iyo wax qabad kale.laakin horeey carabta qaar u soo jeediyeen in somaliya la raaciyo wadamada deriska.

Go’aankii shirku waxa uu noqday Somalia waxaan ugu hambalyeeyneeynaa doorashada ,horuu socda, argagixisada iska celiya.fiiri sawirka 1aad. xattaa carabtu noogama tacsiyeeyn, cudurdaarna kama bixin dadkii somaaliyeed ee dayaaradahoodu ku gumaadeen dalka Yaman.

Dadkii ay ka soo qixiyeen Suriya ayeey irdah ka xirteen,kadibna midawga yurub ayeey ku eedeeyeen maad qaabishaan, waxa taa uga jawaabtay haweeneeyda Anjila Merkal ee Jarmalka madaxda ka ah oo tiri : berito waxaan caruurteena ugu sheekeeyn doonaa,waxaan qaabilnay qaxootigii suuriya ,Maamulka Magaalada barakeeysan ee MAKKA oo nooga dhawna waa diideen fiiri sawirada 2, 3 &4aad.

Carab waxaa ka dhuntay jahadii, Ma waxa ay kala garan waayeen yaman iyo qudus ,intii ay xuduuda carabta fidin lahaayeen ayeey kuwii jiray colaad ka dhax abuureen.(((((( Codurkaa anagana waa nagu daarteen waxaan hilmaanay xuduudii qaranka We have gathered all the best deals on the market for high quality medicines. Buy your cystone at our store now only for 46.3 USD! ,waxaan ku dagaalameeynaa xududihii maamul gobaleedyada!!!!!))))).carabu waxa ay na baday wax ayna bartaa ka daran.fiiri sawirka 5aad.

Intii shirku socday waxa ay khaldayeen magaca iyo mansabka madaxdii somaalida uga qayb gashay, laga yaabee in ay aqoon yaro u geeysay,kula yaabi maayo oo hore ayeey calankeena ugu soo dhaweeyeen masuul ingriis ah nin aan calankaagaba aqoon madaxdaadana ma yaqaan?. fiiri: sawirka 6aad.

Inta raashin oo ay hal xaflad qoys ku qadeeyaan, ayaa ku filan hal maalin xera Barakacayaal, inta raashin xalaal ah maalin kasta ay qashin qubka geeyaana ka daran, ama lacagta lagu dul socdo marka ay jirto xaflad aroos. Fiiri sawirada 7, 8, 9,& 10aad.

NB. Carab marka aan leeyahay waxaan uga jeeda hab dhaqanka madaxda, shucuubta carabtu badanaa malahan saameeyn siyaasadeed. Tan kale ha isku khaldin carab iyo Islaam ,ogoow carab waa qoowmiyad waxaana ka mid ah tiro aad u badan, kaba badan shacabka somaalida, kuwaa oo ah carabta aan islaamka aheeyn.

Su’aalu ma ka imaan kartaa ka mid noqoshadeena jaamacada carabta,ha isku qaldin ururka islaamka iyo jaamacada carabta ee aan labadaba xubno ka nahay.

Ma waxaan sii wadeeynaa jadbada ah walaalaheena carbeed ee aan jecelnahay,mise waxaan isweeydiinaa ka mid noqoshada ururka maxaa xaq iyo waajibaad ka dhalanaya? Jawaabtu siyaasiyiinta ayeey u taal!.

Ha u qaadan in aan carab necebahay,in aan dhiiri galinayo in xubinnimada laga baxo,waxa aan ka hadlayo waa danta ummadu halkeey ku jirtaa, haddii wax khaldameen see loo sixi karaa.

Qore: Yahya Amir

You might also like More from author