Wakiilka QM Keating oo kulamo la qaatay Madaxweyne Siilaanyo

Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia , Danjire Michael Keating ayaa waxuu shaaciyay in uu kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo).

Danjire Michael Keating ayaa waxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu kala hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen doorashada Madaxtinimo ee dhawaan la filaayo in laga qabto deegaanada hoos yimaada Maamulka Soomaaliland.

Waxaa sidoo kale uu Mr Keating intaasi ku daray in kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo lagu soo hadal qaaday abaaraha xoogan ee ku dhuftay Degaanada hoostaga Maamulkaasi.

Danjiraha ayaa xusay in arimaha laga hadlay ay qeyb ka ahaayeen in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Danjire Keating waxuu qeexay in Qaramada Midoobay kaalin muuqata ay ka qaadan doonto horumarka Degaanada Maamulka Soomaaliland.

Sikastaba, kulanka Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Don’t lose hope, if you can’t find your brand viagra for an affordable cost. We’ve got the best prices and you can get your brand viagra only for 4.75 USD with us! iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa imaanayaa xili dhawaan la qorsheenayo in doorashada madaxtinimo ee Maamulkaasi lagu qabto Degaanada hoostaga Maamulkaasi.

You might also like More from author