Wafdi uu hogaaminaayo RW Ku xigeenka Turkiga oo Magaalada Muqdisho soo gaaray.

Sayn Bekir Bozda Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.
R/wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa maamulka Gobolka ku wareejiyay 52 gaadiid iyo warshad dhismo taaso loogu talagalay in lugu hormariyo bilicda Caasimadda Soomaaliya.
Wafdiga Turkiga ayaa kulamo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre,waxeyna ka wada hadleen arrimaha Abaaraha Dalka ka jira.
Dhanka kale Sayn Bekir Bozda ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay wax badan ka qaban doonto Arrinta Abaarta ee ka jirta Dalka si loo badbaadiyo Ummadda Soomaaliyeed.

Make sure that you check our cystone offers, because you can get it for only 46.3 USD at our store!

You might also like More from author