Waa maxay ceebta uu leeyahay go’aankii ay DFS ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka ?

Ilwareed Online

Inta aanan u galin dulucda qoramdeyda aan marka hore idinla wadaago dareenkeyga ku aaddan dhibiistii ay Xukuumadda Farmaajo u dhiibtay Taliska Xabashida muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhegax), kaasi oo ka tirsanaan jiray Ciidankii Xoogga Dalka. Muwaadinkan, Ayaa loo gacan geliyey Taliska Xabashida ee ka arimiya magaalada Adis Ababa oo ah halka inta badan laga soo maleego dhagaraha loo dhigo dalkeenna oo haatan uu xaalkiisu u muuqda mid ka sii darayo sababo la xariira faragelinta shisheeye.

Falkan fooshaxun, Ayaa waxaa ku kacay Xukuumadda uu madaxda ka yahay ninka lagu magacaabo Farmaajo oo dadka Soomaaliyeed u muujiyey xiligii doorashada in uu yahay muwaadin wadani ah oo aad u neceb Xabashida iyo hankeeda guracan. Waana sababtaasi sababta ay dadweynaha Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen ninkan isku badal mudada gaaban gudaheed. Qalbi-dhegax, Ayaa lagu eedeyey in uu ka tirsanaa jabadda ONLF ee ka dagaalanta dhulka loo yaqaanno Soomaali Galbeed ee ay Xabashidu gumeysato.


Jabhaddan barakeysan, Ayaa ku jirta halgan dheer oo ay ku dooneyso in ay ku xureyso dhulka Soomaali Galbeed oo ka mid ah dhulalkii uu Ingiriisku bixiyey. Waxaana rajeynayaa mar aan dheereyn in uu halgankeeda mira-dhali doono sababo la xariira xaaladaha cakiran ee ka jira dalka Itoobiya, Kaasi oo uu waayadani ka socdo kacdoon dadweyne oo ay horkacayaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada. Nidaalkan ay ku jirto ONLF, Ayaa qeyb ka ah halganno badan oo Soomaalidu ay u soo gashay sidii ay isaga xoreyn lahayd gumeystaha iyo kuwa u shaqeeya.
Dhiibista Qalbi-dhagax, Ayaa ka soo horjeedda diinteenna Islaamka iyo waliba dhaqankeenna suuban, Maxaa yeelay waa mamnuuc in muwaadin Soomaaliyeed loo gacan geliyo cadow noocuu doonaba ha noqdee. Waxa ay sidoo kale dhiibistani ka soo horjeeddaa shuruucda dalka iyo waliba Qawaaniinta Caalamiga, Gaar ahaan kuwa quseeya xuquuqda bini’aadamka. Sidee qof Soomaali ah loogu gacan gelin karaa Xabashi oo aannu og nahay cadaawadda naga dhaxeysa ? Goormanse Inaga iyo Xabashi heshiinnay ?
Dhacdadan foosha-xun ee aan ka hari doonin kuwii sameeyey Aakhiro iyo Aduunba, Ayaa marqaati u ah dood ay qabaan dad badan oo Soomaali ah, Kuwaasi oo ku doodayo in dalkani uu ku jiro gacan gumeysi, Iyagoona daliishanayo dhacdooyin badan oo ay ka mid tahay midda aannu hadda ka warameyno. Sow gacan gumeysi laguma jiro marka Muqdisho laga dhoofinayo muwaadin Soomaaliyeed oo ashahaadanayo ? Sow ixtilaal kuma jirno marka rag Soomaali ah ay Muqdisho kaga dhawaaqayaan in ONLF ay tahay urur Argagaxiso, Halka Xabashina ay walaal tahay ? Alow la kala miirmayee Mililikh ha i raacin.
Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta kaga waramayo ceebeynta loo jeedinayo go’aankii dhexdhexaadka ahaa ee ay Dowladda Federaalku ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya wadamada Khaliijka, Gaar ahaan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn oo isku dhinac iyo Qadar oo dhinaca kale ah walow ay taageero ballaaran ka heleyso dowladda Turkiga ee uu hogaamiyo geesiga weyn ee Ordagan oo haatan baroosinkiisa soo dhigtay Soomaaliya oo ah goob istiraatiiji oo laga hagi karo marinno badan oo muhiim ah.

Go’aankan dhexdhexaadka ah, Ayaa waxaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah waxan loogu yeero Maamul Goboleedyada sida Buntland oo kale, Kuwaasi oo ku doodayo in loo baahan yahay in lala safto xulafada Imaaraadka, Maadaama Imaaraadku uu dhaqaalo badan ku bixinayo howlo ka socda dalka sida bixin mushaaraad ciidamo oo kale iyo waliba dhisamaha dekedaha Boosaaso iyo Berbera oo lagu wareejiyey shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka. Hadaba, Waa maxay ceebta uu leeyahay go’aankaasi dhexdhexaadka ee ay Dowladdu qaadatay ?
Anigu, Waxaan qabaa runtii in go’aankaasi aanu ceyb lahayn, Bal uu yahay mid wanaagsan oo caqli iyo xikmad ku dhisan, Islamarkaana ka tarjumayo madaxbanaanida Dalka iyo waliba Dowladda Soomaalida. Waxa uu sidoo kale go’aankaasi ka tarjumayaa dareenka dadweynaha Soomaalida oo aan dooneyn in ay dhexda u galaan khilaafaadyo u dhaxeeya dalal shisheeye, Maadaama ay la ildaran yihiin khilaafaadyo daakhili ah oo sanado badan socday, Kuwaasi oo dalkan u nugleeyey faragelinta aannu maanta ka cabaneyno.
Sidan soo sheegeyba, Wax ceeb iyo dhaliil ma lahan go’aankii ay Dowladda Federaalku ka qaadatay muranka u dhaxeeya dalalkan ay saaxiibada la tahay ee ku mideysan ururka Iskaashiga Khaliijka, Maxaa yeelay waxa uu go’aankani Dowladda siinayaa inay sii waddo xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay dhammaan dhinacyada is-hayo ee ay ka wada tirsan yihiin ururada Caalamiga ah sida ururka Islaamka oo kale iyo waliba kan Jaamacadda Carabta. Waana sababtaasi sababta aan u maleynayo in ay u qaadatay go’aankaasi dhexdhexaadka ah.
Go’aankan wanaagsan, Ayaa Dowladda Soomaaliya siinayo in ay ilaashato kaalmada iyo taageerada ay ka heleyso dhammaan dhinacyada is-hayo maadaama aysan dhinacna la safan. Waxa uu sidoo kale go’aankaasi siinayaa fursad ah in ay ka badbaaddo saameynta ka dhalan karta khilaafkan ay ka gaabsadeen dalal badan oo saameyn ku leh Caalamka sida dalalka reer Yurub oo kale, Kuwaasi oo qaatay go’aan dhexdhexaadnimo sida Dowladda Soomaalida oo kale maadaama uu khilaafkani ku kooban yahay dalalkaasi Khaliijka ee wada dashay.
Qaraarkan, Ayaa Soomaaliya ka badbaadinaya in loo soo raro khilaafka u dhexeeya wadamadan Carabta ah sidii ka dhacday dalalka Liibiya iyo Yeman oo kale, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan xoogag ay kala taageerayaan dalalka Imaaraadka iyo Qadar oo waayadan kala hogaaminaya fikrado iska soo horjeeda sida Qadar oo taageereysa waxan loogu yeero kacdoonada Guga Carabta iyo Imaaraadka oo ka soo horjeeda in kacdoonadaasi ay guuleystaan si ay xukunka u sii haystaan boqorada tirada yar iyo digtaytarada liita.
Go’aankan saliimka, Ayaa waxaa soo dhaweeyey inta badan Waxgarad Soomaaliyeed iyo waliba dadweynaha caadiga maadaama uu waafaqayo shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaalida oo labaduba ay ka soo horjeedaan in dulmi iyo gardarro la isku taageero. Waxaa sidoo kale qaraarkaasi soo dhaweeyey inta badan Xildhibaanada labada Gole maadaama uu u daneynayo dalka, Islamarkaana uu ka fogeynayo saameynta ka dhalan karta muranka wajiyada badan ee burburin doona ururo badan oo ay ku jiraan dowladaha Muslimiinta.
Balse waxaa yaab leh in go’aankaasi wanaagsan ay ka soo horjeestaan qaar ka mid ah waxan loogu yeero Maamul Goboleedyada sida Buntland oo kale, Kuwaasi oo soo saaray war saxaafadeedyo ay ku sheegayaan in ay ka soo horjeedaan go’aankaasi dhexdhexaadka ah ee ay Dowladdu qaadatay, Iyagoona si cad u tlmaamay in ay la safan yihiin xulafada Sacuuudiga oo ay hadda is-hayaan dalka Qadar walow laga cabsiqabo in khilaafkaasi ay ku soo biiraan dalalka Turkiga iyo Iiraan oo waayadan aad ula yaaban hab-dhaqanka duweylatu Imaaraat.
Talaabadan sharcidarada ee ay qaadeen Maamul Goboleedyada, Ayaa ka yaabisay dad badan oo Soomaali ah, Gaar ahaan Aqoonyahanada sida Prof. Cabdi Saciid Samatar oo kale, Kaasi oo shaagay in ay talaabadani tahay mid waali ah oo ka soo horjeedda shuruucda dalka iyo dhaqanka dowladnimada, Islamarkaana ceeb ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Prof. Ayaa isweydiiyey waxa ay qabaneyso Dowladda Dhexe mar haddii ay shaqadeeda la wareegeen Maamul Goboleedyo lokal ah oo intooda badan u dhisan qaab qabiil sida Buntland oo kale.
Hab-dhaqankan liita, Ayaa waxaa horboodayo Maamulka Buntland oo had iyo jeer ay madaxdiisu iyo kuwa taageera maamulkaasiiba ay ku doodaan in nidaamka federaalismka uu yahay mid ku haboon Soomaaliya, Islamarkaana awood u leh in uu dib u soo celiyo dowladnimadii burburtay, Laakin doodda ceynkaasi ayaa noqotay mid madhaleys ah aan waxba ka sii bixin, Waayo nidaamkan waxa uu albaabada u furay fowdo maamuleed oo aan horay loo arag nooceeda oo kale. Bal fiiriya waxyaabaha dhacayo iyo heerka ay gaarsiisan tahay faragelinta shisheeye.
Waxaa shaki galay midnimadii iyo madaxbanaanidii dalka oo wax kasta nooga muhiimsan marka laga reebo diinteenna xaqqa ah. Waxaa la kala garan waayey cidda dalkan matasha: Ma Dowladda Federaalka mise Maamul Goboleedyada. Waxaa albaabada loo furay cid kasta oo shisheeye oo waxooga lacag sidata. Waxaa la beylihiyey dekadihii dalka ee dadka oo dhan ka wada dhaxeeyey. Waxaa badihii laga dhigay kuwa kheyraadka laga gurto iyo kuwa qashinka lagu shubo sababo la xariira fowdada maamuleed ee jirta.
Dhammaan xadgudubyadan dhacayo, Ayaa waxaa u sabab ah nidaamka federaalismka ee sida xun loo fasirtay. Tusaale ahaan, Waxaad arkeysaa maamul goboleed heshiisyo caalami ah la galayo dowladdo shisheeye sida Itoobiya oo kale, Halka ay dalka ka jirto dowlad dhexe oo uu Caalamku aqoonsan yahay. Waxaad kaloo arkeysaa maamul goboleed ka hadlayo arimo quseeya siyaasadda arimaha dibadda ee Dowladda, Halka uu arinkaasi ka soo horjeedo qodobka 54-aad ee Dastuurka oo si cad u sheegayo in Dowladda Dhexe oo kaliya ay masuul ka tahay howshaasi.
Anigu, Inkasta oo aan aad ugu careysanahay Dowladda Farmaajo sababo la xariira qabkii ay u maamushay kiiskii Qalbi-dhegax iyo qadiyadda ONLF, Hadana waan ku taageersanahay Dowladda go’aankii ay ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya dalalka Carabta, Maadaama uu go’aankaasi yahay mid wanaagsan oo caqli iyo xikmad ku dhisan, Islamarkaana dalka ka badbaadinayo in uu noqdo goob ay isku herdiyaan dalalan is-hayo sida Liibiya oo kale iyo waliba Yeman oo ay isku hayaan xulafada Imaaraadka iyo Iiraan.
Ugu danbeyntii, Ma arko ceeb uu leeyahay go’aankaasi dhexdhexaadka ah ee ay Dowladdu qaadatay, Maadaama uu u ogolaanayo in ay sii waddo xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay dhammaan dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo. Waxaana ku baaqayaa in dalkan loo raadiyo nidaam dowladeed oo ka duwan midka hadda jira oo ah mid dalkii sii kala furfuray oo waliba aad u dhaawacay midnimadii iyo madaxbaanidii Wadanka, Halka uu dhinaca kale khilaaf xun u horseeday Dowladdii Dhexe iyo qaarka mid ah Maamul Goboleedyada sida Galmudug oo kale.
W/Q: Maxamed (Ragow)
Ragow1960@hotmail.com

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Waa maxay ceebta uu leeyahay go’aankii ay DFS ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka ? appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author