Waa cajiib in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur “Walking Dead” uu Halyey noqday…

Walking dead.

Waa cajiib in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur “Walking Dead”, oo ka mid ahaa madaxda ugu saraysa Ururka Al Shabaab oo haddana maanta baxsi ka ah isla Ururka uu labaataneeyo sano ka mid ahaa oo Gobolada Dhexe iyo Koofureed ka gaystay gumaadkii ugu baaxadda weyneed oo Soomaaliya abid ka dhicin, gumaadkaasi ay ku nafwaayeen laguna naafeeyay kumanaan iyo kumanaan muwaadaniin Soomaaliyeed isugu jira Waayeel, Dumar, Caruur, Shaqaala Dowladeed, Madax Dowladeed, Arday dugsiyeed iyo jaamaceed in uu maanta yiraahdo Dowladda Federalka Soomaaliyeed ayaan isku soo dhiibayaa.

Markuu Robow Abuu Mansuur leeyahay Dowladda ayaan isku soo dhibayaa micnaheeda waa magangalyo doon isagoo ka cabsi qabo in ay qaarijiyaan Shabaabka ama mooryaanta ilaaliso ama Ciidamada Xooga Dalka ee ku dilaan dagaal.
Waxaa yaab leh in isuku soo dhiibiddiisa DFS uu raacsiiyay Sharuudo ” Adag” oo ogsoon yahay in aan la aqbali karin.

Muqtaar Roobow oo shuruud ku xiray Dowladda

Dhalinyaro badan oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa Maxkamada toogasho ku xukuntay kadibna la toogtay.
Maxuu Roobow Abuu Mansuur ka giddisan yahay dhalinyaradaas la toogtay?
maka fadli badan yahay waa maya, maka sharaf badan yahay waa maya, maka Tol wanaagsan yahay waa maya, ma Tol ahaan buu ka awood badan yahay waa maya.
Maxuu Roobow Abuu Mansuur uu ku soo kordhin karaa oo sir ah DFS oo aysan ogayn?

Waa maxay sababta ama faa’iidada ugu jirto DFS in ay magan galyo siiso gacan ku dhiigle gumaad gaystay oo baxsi ka ah Ururkii uu ka midka ahaa.
Waa maxay sababta ay DFS isugu furayso dhibaato hor leh oo qalqal gelin karto jiritaankeeda iyo xasiloonida Qaranka?
Hadii maanta ay taagantahay Abuu Mansuur, shalayna ay taagneed Xasan Daahir Aweys, berrina waxay tagaysaa Sheekh Cali Dheere, saad dambane waxay tagaysaa Shoongole, Saakuuna waxay cagta marinaysaa Sheek Jabal, maalinta ka dambaysana Koba ku Tukade, waa wado aan dhamaad lahayn oo salka la galyso qabiil iyo qabyaalad.
Su’aasha waxaa weeye DFS miyay raaci doontaa wadadaan?
Jawaabta waa maya, waa maya, waa maya, waa mid aan Shacabka Soomaaliyeed aan raali ka noqon karin, waa mid aysan raali ka noqon karin Eheladii, Qaraabadii, Dariskii, Saaxiibadii, Asxaabtii muwaadaniintii ay Shabaab gumaadeen.
Waxaa lagu jiraa bilawgii dhamaadka Ururka Shabaab, madaxda Shabaab waxay noqdeen tusbax go’ay oo kala firdhaday “waxay ku jiraan nin walbow naftaa nabiyow umadaa”.
Waa in DFS cadaysaa in muwaadan kastoo Soomaali ah lagula xisaabtamayo ficilkoo gaystay.
In Shabaabka lagula xisaabtamayo ficilka uu gaystay.
Taas ayaan DFS ka Rajaynaynaa hadii aanu nahay Shacabka Soomaaliyeed ee loo gaystay dhibaatada iyo dulmiga.
Shan sano ku dhawaad ayaan sugaynay welina sugaynaa in Sheekh Xasan Daahir Aweys maxkamad la soo taago oo ka jawaabo gumaadka uu u gaystay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.
InShaa Alah.

Waa Bilaahi Towfiiq
Dott.Abuukar Nuur Xuseyn
Gudoomiyaha Xisbiga Banaaadir


The post Waa cajiib in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur “Walking Dead” uu Halyey noqday… appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author