Ururka Xaldoon oo Baaq ka soo saaray Xaaladda Waddanka

Ilwareed Online

URURKA XALDOON.. 03.10.2017

Ururka Xaldoon wuxuu u taagan yahay u hiilidda had iyo jeer jiritaanka Ummadda soomaaliyeed, iyo dhawrista Dastuurka iyo shuruucdiisa,
si loo helo kala dambayn iyo is maqal taasoo keeni karta deggenaasho iyo nabad ku wada noolaasho ummadda dhaxdeeda iyo is aaminitaan dhab ah.

khilaafka khaliijka:
– Mowqifkii dowladda FS. ee ay ka qaadatay arimaha khaliijka ee ah dhax dhaxaadnimida.
– iyo Maamul goboleedyada qaarkood iyo siyaasiyiin oo iyana ku talinaaya in la raaco dhanka xulufada sida sacuudiga, imaaraadka, Baxrayn iyo Masar.

Ururuka Xaldoon:
isaga oo og in dhawrista iyo ku dhaqanka Dastuurku uu yahay waajib, kaasoo ah Hishiis Bulshadeed oo ay hishiis ku tahay ummadda soomaalkiyeed.
kaasoo lagu doorto hoggaanka dalka iyo dadka Maamula. kuwaasi oo mas’uuliyaddooda ay ku qeexan tahay Dastuurka.
ayna waajib tahay in lagu kala dambeeyo.

Mowqifka Ururka.
in looga dambeeyo dowladda F. somaliya inta uu a woodda u siinaayo Dastuurka, ( a ) Arimaha Dibadda, ( b ) Gaashaandhigga. ( c ) Mamulidda Maaliyadda. ( d ) IWM.
in Maamul goboleedyadana ay ku ekaadaan inta uu siinaayo Dastuurka Somaliya.
in aan laysku xad-gudbin midba midka kale.

Talo soo jeedin:-
Ururka isaga oo fiirinaaya Maslaxadda Somaaliada wuxuu talo ahaan u soo jeedinayaa:
– in lagu dhaqmo Dastuurka dalka iyo sharciyada u degsan dalka.
– in Baarlamaanku kaalintiisa la xisaabtan ee Dowladda uu qaato.
– in dowladdu ay kaalinteeda hoggaan ay qaadato.
– in Maamul goboleedyada ay ku dadaalaan dhawrista Dastuurka.
– in la ilaaliyo Hannaanka dowladnimo, iyo kala dambayn, si aysan u dhumin is aaminitaandkii.
– in la xusuusnaado wixii laga soo maray dhisidda hannaandkaan dowladnimo iyo qiimaha ay noogu fadhido, si aysan farahayna uga bixin, si sahanlan oo aanan ku noqonin xilligii fowdada iyo kala dambayn la’aanta.

Digniin:
Ururuku wuxuu ka digayaa.
– Mowjadaha siyaasaadeed ee is diidan ee ka dhalatay khilaafka khaliija iyo waddamo kale in aysan ummadda soomaliyeed u keenin khilaaf dhaxdooda ah.
– in aan la abuurin xasarad keeni karta in bulshadaan daalan oo dhibaataysan in dib loogu celiyo xilligii fowdada iyo kala dambayn la’aantii.
– in aan dowladnimada aan lagu xad gudbin.

Guddoomiyaha Ururka Xaldoon
Xuseen Maxamed Cabdulle ” Xuseen Wadaad “

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Ururka Xaldoon oo Baaq ka soo saaray Xaaladda Waddanka appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author