Ururka GAD oo wakiil cusub u soo Magacaabay Soomaaliya

Warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii IGAD ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay ayay urur Goboleedka IGAD wakiil cusub u soo magacaabay Soomaaliya si uu u noqdo Wakiilka Soomaaliya uga wakiil ah IGAD.


Wakiilka cusub ee lasoo Magacaabay Soomaaliya waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Guyo, waxaana uu xilkaas kala wareegay Maxamed Cabdi Afeey,waxayna magacaabista timid kadib markii Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga Wakiilkii u qaabilsan IGAD Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ay u magacowday wakiilkeeda arrimaha Qaxootiga Soomaaliya.
Dhanka kale Maxamed Cali Guyo ayaa waxaa lagula dardaarmay inuu noqdo wakiil wanaagsan oo sare u qaadi kara Xiriirka IGAD iyo Soomaaliya, waxaana jirtay in muddo ku dhow Hal sano Soomaliya ma laheyn wakiil u qaabilsan IGAD.

The post Ururka GAD oo wakiil cusub u soo Magacaabay Soomaaliya appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author