Ukun Sumeysan Oo Suuqyada Dalalk Yurub Soo Gashay

Ilwareed Online

Dambi baarayaasha dalka Holland ayaa xiray laba qof oo lagu tuhunsanyahay kiimikada laga helay beedka “ukunta” suuqyada Yurub galay ee dalkaas laga dhoofiyey.

Arintani waxay dhacday ka dib markii baadhitaanno boolisku ka wadeen dalalka Holland iyo Belgium ay ugu daateen guryo wadamadaa ku yaal.

Dacwad oogaha guud ee dalka Holland ayaa sheegay in uu jiro nin maareeye ka ah shirkad la rumaysanyahay in ay u adeegsatay daryeelka digaageeda walxo kiimidaad.

Fipronil ayaa ah daawo loo adeegsado in digaaga qirinkiirka iyo shilinta lagaga dilo lakiin hadii muddo dheer la wado xaddigana la kordhiyo, waxay halis caafimaad ku keenta aadanaha hilibka digaagaa cuna oo waxay wax yeeshaa kelyaha iyo beerka.

Waa walax laga mamnuucay in loo adeegsado daryeelka xoolaha, mar horena waxa boolisku baadheen dhismeyaal ku yaal dalalka Holland iyo Belgium.Malaayiin xabo oo beed ah ayaa laga qaaday khaanadaha tukaamada waawayn ee ku yaal Yurub oo dhan, hase yeeshee waxay saraakiisha baadhitaanadan wadaa sheegeen in khatarta caafimaad ee ka dhalan karta xaddiga kiimikadaas ah ee ku jira beedkani ay aad u hoosayso.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Ukun Sumeysan Oo Suuqyada Dalalk Yurub Soo Gashay appeared first on Ilwareed Online.

d.getElementsByTagName(‘head’)[0].appendChild(s);

You might also like More from author