Ugaas Maxamed Weli oo Soo jeediyey in Fursad laba Sanno ah la siiyo Dowladda Federaalka

“Haddii uu wax qaban waayo Madaxweyne Farmaajo Labadaas Sanno waxaan siinayaa Dardaarankii Xasan Shiikh Maxamud ee uu Kursiga ku Waayey”

Ugaas Maxamed Weli Shiikh Axmed oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa wax ka weydiiney Mowqifkiisa ku aadan Khilaafka soo kala dhex galey Dowladaha Khaliijka waxaana mar uu ka hadlayey arrintaa uu yiri “Waxaan u Mahadclinayaa Mowqifka Wanaagsan ee ay Dowlada ka istaagtey Khilaafka ama muran Dowlaha Khaliijka taasina waxay keentey in Umadda Soomaaliyeed ku Qanacdo soona dhaweyso, sidaa darteed Dalka uma baahna Dhaqaale Shisheeye ee waxaa uu u baahan yahay Hogaan Wanaagsan”.

Ugaas Maxamed Weli Shiikh Axmed waxaan Weydiiney sida uu u arko Dowlada Federaalka ee uu Hogaamiyo Madaxweyna Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana isagoo Su’aashaas ka jawaabaya yiri “ Waxaan ugu baaqayaa Dowlada in ay ka dhabeyso waxyaabihii lagu doortey oo ahaa in ay wax ka qabato Fargelinta Shisheeye gaar ahaan kuwa Deriska ah , Amniga, Musuqmaasuqa iyo Qabyaalada sidaa darteed aniga waxaan Siinayaa Dowladda Fursad labo Sanno ah in ay wax ka qabto arimahaas, hadii ay wax ka qabato Taageeradeyda waa sii soconeysaa , laakiin hadii ay Wax ka qaban weydo halkaa baan uga harayaa waxaana siinayaa mid la mid ah Dardaarankii Xasan Shiikh Maxamuud ee uu kursiga ku waayey.

Ugaas Maxamed Weli waxaa uu ka codsadey Shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan Taageerida Dowlada Federaalka sidoo kale hadii ay wax qaban weydo Shacabka waxaan leeyahay mar kale aan u Midowno sidii aan isku dhaafin lahayn.

Ugu Dambeyn mar uu ka hadlayey Ugaas Maxamed Weli arrimaha Garsoorka waxaa uu u mahadceliyey Dowlada Federaalka markii ay u u qabatey Gudi Garsoor Maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe, sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Dowlada Federaalka u soo jeediyey in Garsoorka Soomaaliya uu ku jiro Muqdi sidaa Darteed Madaxweyne adiga ayaa lagu weydiin doonaa adduun iyo Aakhira hadii aadan wax ka qaban Garsoorka Dalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

The post Ugaas Maxamed Weli oo Soo jeediyey in Fursad laba Sanno ah la siiyo Dowladda Federaalka appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author