Timo Jare lagu dilay Isgoyska Wadada Sanca ee Magaalada Muqdisho

Nin ku hubeysnaa Bistoolad ayaa waxaa lagu dilay maanta Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan Maxamuud.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Marxuumka la dilay iyo ninkii wax dilay uu markii hore dhex maray muran daqiiqado ah taas oo sababtay in markii dambe Ninkii timo jaraha ahaa la dilo.

Dhanka kale ninkii dilka gaystay ayaa halkaasi ka baxsaday, mana jirto weli cid ka hadashay Marxuumkaasi Bisha Ramadaan gudaheeda la dilay, mana jirto cid falkaasi dembiga ah loo soo qabtay, iyadoo dilkaan uu ku soo aadayo xilli dadka Muqdisho laga mamnuucay inay hubka wataan.

 

The post Timo Jare lagu dilay Isgoyska Wadada Sanca ee Magaalada Muqdisho appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author