Tareen casri ah oo ku guuleystay safarkiisii ugu horeeyay Nariobi iyo Mombasa (Daawo)

Dalka Kenya waxaa ka howlgalay markii ugu horeysay Tareen casri ah kaasi oo ku guuleystay safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku tegay magaalada Mombasa isagoo ka safray magaalada Nairobi ee caasimada wadankaasi.

Madaxweynaha Dowladda Kenya iyo boqolaal dadweyne ah ayaa ka qeyb qaatay munaasabadda lagu daah furayay tareenkaasi, iyagoona kor u lulayay calanka dalkaasi ayaa waxay isugu hambalyeynayeen muhiimadda uu u leeyahay tareenkaasi.

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dalkaasi Kenya ayaa sheegay in tallaabadani ay kor u qaadaneyso horumarka iyo ganacsiga, wuxuuna ugu baaqay shacabka dalkaasi inay ka faa’iideystaan mihnadahooda kala duwan.

The post Tareen casri ah oo ku guuleystay safarkiisii ugu horeeyay Nariobi iyo Mombasa (Daawo) appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author