Taliye-Xigeenkii Saldhiga Bosaso oo Goor Dhaw La Dilay

Ilwareed Online

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo Hubeysan ay Bartamaha Boosaaso ay ku dileen Taliye Ku xigeenkii saldhiga bartamaha Magaaladaas Cabdi Dheere.

Kooxaha Hubeysan ayaa la sheegaya in ay taliyaha ku dhufteen dhowr Xabado ka dibna ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Boosaaso waxa lagu dilay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari.

dhinaca kale aya Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada Dilka Taliye Ku -Xigeenka Saldhiga Bartamaha aha Boosaso Cabdi Dheere.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Taliye-Xigeenkii Saldhiga Bosaso oo Goor Dhaw La Dilay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author