Taliyayaal xilkooda ku waayay  iyo dad loo qabtay dhacdadii X/Weyne ka dhacday.

Ilwareed Online

Maxamed Abuukar Ducaale Islow Wasiirka Amniga Soomaaliya oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen gaari lagu tuhmayo inuu ka dambeeyey falkii maalmo kahor ka dhacay degmada X/weyne ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu dilay xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo wiil ay dhashay guddoomiyaha ururuka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.


Gaarigaan ayaa la sheegay in lagu qabtay hal ruux iyo qori uu watay, islamarkaana lagu tuhmayo inuu ka dambeeyey falkii labadaasi ruux lagu dilay.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in xilka laga qaaday Taliyihii Nabad Sugidda iyo kii Booliska ee degmada X/Weyne.
Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in xabsiga ay ku jiraan iminka 12-askari oo xiliga falka uu dhacayey ka howlgalayey degmada X/Weyne ee Gobolka Banaadir.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Taliyayaal xilkooda ku waayay  iyo dad loo qabtay dhacdadii X/Weyne ka dhacday. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author