Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Generaal Cirfiid oo maanta gaaray deegaanka Bariire

Ilwareed Online

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Axmed Jimcaale “Cirfiid” ayaa goordhow gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga dalka ee ku sugan deegaankaasi.

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee uu maanta ku tegay  deegaanka Bariire ayaa waxay tahay sidii uu Generaal Cirfiid ugu kuur gali lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka iyo siday u socdaan howlgalka lagu baacsanayo Al-Shabaab ee halkaasi ka socda.

Sidoo kale, Generaal Cirfiid oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran oo dalka looga saarayo maleeshiyaadka naf lacaariga Al-Shabaab ee hadda ku sugan qeybo yar oo ka mid ah Soomaaliya.

Maleeshyaadka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka,waxayna iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Generaal Cirfiid oo maanta gaaray deegaanka Bariire appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author