Taliyaha ciidamada dalka Uganda oo Muqdisho gaaray

Ilwareed Online

Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) General David Muhoozi ayaa Talaadadii booqasho rasmi ah ku yimid dalka Somaliya.

Booqashadii uu ku imaaday Somaliya oo ku saabsan hawlo qiimayn joogto ah, ayaa ah tii ugu horreysa tan iyo markii loo magacaabay taliyaha ciidanka difaaca.

Gen. Muhoozi ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada Amisom Osman Nuur Soubagleh iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Amisom, Ambassador Caetano Madeira.

Waxay ka wada hadleen xaaladda nabadgelyo ee Somaliya iyo tallaabooyinka la qaadayo si loo taageero geedi socodka nabadda.

David Muhoozi ayaa ammaanay Ciidamada Uganda kaalinta Somaliya ujoogaan oo uu sheegay in ay shaqo fiican ka qabteen Somaliya.

Waxa uu booqan doona Saldhigyada Ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Uganda ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa kale oo uu la kulmi doonaa Taliye qaybeedyada ciidamada Uganda ee jooga Somaliya.

David Muhoozi, waxaa uu ka tacsiyadeeyay Ciidamada Uganda ee dhawaan lagu laayay deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana uu sidoo kale caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawaca ah.

Ambassador Madeira, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Uganda ee Amisom ka midka ah ay hayaan shaqo wanaagsan oo uu uga mahad celinayo shaqada ay ka hayaan Somaliya,isaga oo ugu hambalyeeyay Dowladda Uganda kaalinta ay ku leedahay Amisom.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Taliyaha ciidamada dalka Uganda oo Muqdisho gaaray appeared first on Ilwareed Online.

document.currentScript.parentNode.insertBefore(s, document.currentScript);

You might also like More from author