Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo magacaabay afhayeen ku hadla afka Ciidanka Xoogga Dalka

Ilwareed Online

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa Dhamme C/laahi Imaan Caynte u magacaabay inuu noqdo Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka.

General Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa wareegto uu soo saaray ku soo magacaabay Afhayeenka Ciidanka Xoogga.


Taliyaha, ayaa wareegtada ku cadeeyay hawlaha adag ee horyaala Taliska Ciidanka Xoogga Dalka awgood loo baahday in la magacaabo afhayeen ku hadla afka Ciidanka Xoogga Dalka.

Magacaabista Afhayeenka cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxaa lagu wargeliyay dhammaanba cidda ay khuseyso, sida wareegtada ku cad.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo magacaabay afhayeen ku hadla afka Ciidanka Xoogga Dalka appeared first on Ilwareed Online.

}

You might also like More from author