Tahriibayaashii ugu badnaa oo dalka Liibiya lagu xiray iyo Soomaali fara badan oo ka mid ah.

Ilwareed Online

Qoraal ka soo baxay dawlada caalamku aqoonsan yahay ee dalka Libya ayaa lagu sheegay in hawlgal ciidamada dalkaasi ka sameeyeen magaalada Sabratha inay qabteen dad tiradooda lagu sheegay 3, 150 ruux oo tahriibayaal ah oo xarumo kala duwanaa ugu xirnaa dadka dadka tahriibaya.
Dawladda Libya ayaa sheegtay inay xir xirtay in ka badan 3 kun oo ruux oo tahriibayaal ah oo doonayay inay safar dhanka badda ah u galaan dalalka Yurub.


Sarkaal lagu magacaabo Basiim Qarabli oo ka tirsan ciidamada Libya ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la xir xiray ay badankood ka soo jeedaan wadamada bariga Africa sida Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia inkastoo ay ku jiraan dad kale oo ka soo jeeda dalalka kale ee Africa iyo kuwa Carabta.
Basiim Qarabli wuxuu sheegay intii uu socday hawlgalka ka dhanka kooxaha dadka tahtiibaya oo Sadex todobaad qaatay inay ku dhinteen 40 ruux halka ay ku dhaawacmeen 300 oo kale.
Ciidamada Libya ma sheegin tirada dadka Soomaalida ah ee ay xireen hase ahaatee Soomaali badan ayaa ku sugan wadankaasi kuwaasoo sugaya inay doonyo ka racaan si ay Yurub u tagaan.
Dhanka kale Magaalada Sabratha oo qiyaastii 70 km dhanka galbeed u jirta caasimada Libya ee Tripoli waa halka ugu badan ee lagu ururiyo dadka tahriib doonka ah inta ay doonyaha raacin.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Tahriibayaashii ugu badnaa oo dalka Liibiya lagu xiray iyo Soomaali fara badan oo ka mid ah. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author