Tacsi SHARCI INA CADAALAD oo Soomaaliya ku geeriyooday

Allahu Rabii Nabi Muxamad, Allahu Rabii Nabi Muxamad. Aan iska wada cafinno Marxuum SHARCI INA CADAALAD.

Shaciga yaa igu xakumaya, haddii sharcigii noqday mayd dadka oo dhan ka sareeya, haddii dambiilihii la xakumi lahaa uu wax xakumayo, haddii kii la soo qaban lahaa asgii wax soo qabanayo, hadii kii hantida laga ilaali lahaa asagii loo dhiibay, haddii shareecada islaanka ha la isku xakumo ay ku ekaatay qodob dastuurka ku qoran.

1-Maxkamadda Sare awoodeedu waxa ay ka jirtaa hal magaalo oo kaliya, Gudoomiyuhuna waxa uu ka imaan karaa hal beel oo kaliya. Garsoorkuna guud ahaan waxa uu ku dhisan yahay 4.5. Aqoonta iyo qofnimada qaaligu muhim ma ahan, haddiiba uu ka tirsanyahay beeshii saamiga u heshay.

2-Hayadii sharci dajintiina( baarlamaankii) lagu saleeyay 4.5 Aqoonta iyo qofnimada xildhibaanku muhim ma ahan haddii uu ka tirsanyahay beeshii saamiga u heshay. Baarlamaankiina uu sii dhalay madax ku saleeysan 4.5 iyana ay sii dhashay xukuumad ku saleeysan 4.5 kale. Kaba All of the finest biaxin deals are gathered at our store, and you can take advantage of it right now! Buy your medicine for only 3.34 USD and save on your purchase! darane 4.5 tii lafteedii ay Gudaheeda cadaalad daro ka sii tirsanee.

Ogoow

a)-Go’aan maxkamadeed xukun ma ahan ee waa “GO ahead” illeyn kharajka fulinta kii wax loo xakumaa laga rabaa.

b)-Mooshin diidmo ma ahan ee waa “INVOICE”, waa qaansheegato kharajkii iiga baxay doorashadeeydii xildhibaan nimada.

c) Fiiri sawirka Maydka la sido, kuwa maydka sida, kadibna ad lee waaye ee naftaada been ha u sheegin.

Samir iyo iimaan ummadda Allaah ha ka siiyo geeridii naxdinta laheed ee ku timid marxuum SHARCI INA CADDAALAD ee uu dilay gacan ku dhiigle qabyaalad ina 4.5.

Qore: Yahya Amir

You might also like More from author