Taabit Oo Jawaab Ka Bixiyay Fal Laga Argagaxo Oo AMISOM Ku Kacday *Daawo*

Ilwareed Online

Taabit Oo Jawaab Ka Bixiyay Fal Laga Argagaxo Oo AMISOM Ku Kacday

Shacabka Soomaaliyeed, gude iyo dibadba waxay si caro leh ugu fal celiyeen fal argagax leh oo shalay askar ka tirsan ciidamada AMISOM ay kula kaceen muwaadin Soomaaliyeed, xili uu marayay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Gaari kuwa qafilan ee AMISOM ayaa si naxariis daran uu u jiirsiiyay gaari uu watay qof shacab ah dad kalena ay saarnaayeen, waxaana la arkayay in gaariga AMISOM oo koofanaha ku riixayay gaadiidka yar ee qofka shacabka uu watay, waxaana soo gaaray bur bur aad u xooggan.

Markii muuqaalka dhacdadaan lasoo dhigay baraha bulshada ayaa dadkii Soomaaliyeed ay ka caroodeen hab dhaqanka foosha xun ee soo jireenka ah AMISOM kula dhaqanto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkoooda kus sugan.

Xili danbe oo xalay ah ayaa waxaa si dafiicnimo ah bartiisa Facebook qoraal kooban soo dhigay guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, isagoona qoraalkiisa ku sheegay in aan loo dul qaadan karin hab dhaqanka iyo xadgudubyada ciidamada AMISOM kula kacaan shacabka Soomaaliyeed.

Fariintaasi wax dhaafsan oo guddoomiyaha gbolka uu muujiyay ayaan jirin, iyadoo falalka noocaan ah ee AMISOM ku xasuuqdo shacabka soo noqnoqdeen mana jirto cid mas’uul ah oo kula xisaabtanto AMISOM.

Dadka Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada kusoo qorayay su’aallo ay isweydiinayeen oo ah madaxda dowladda federaalka cidda ay madalaan iyo cidda ay madax u yihiin?, waana su’aal muhiim ah oo xaqiiqda ku saleysan mar haddii dadkii ay xilalka u hayeen ciidamo ajnabi ah dilayaan, dhaawacayaana, hantidoodana ka burburiya.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Taabit Oo Jawaab Ka Bixiyay Fal Laga Argagaxo Oo AMISOM Ku Kacday *Daawo* appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author