Super Cup: Real Madrid oo ka adkaatay Barcelona

Ilwareed Online

Kooxda Real Madrid ayaa 3-1 uga adkaatay Barcelona lugta koobaad ee Super Cup-ka Spain, ciyaar xalay ka dhacday garoonka Nou Camp.

Xiddiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa u dhaliyay mid ka mid ah saddexdaasi gool, inkastoo markii dambe uu kaarka cas ka qaatay.

Goolka koobaad ee Real ayaa ahaa mid uu shabaqa kooxdiisa ku saray Gerard Pique, waxaana 27 daqiiqo ka dib goolka barbaraha u dhaliyay Barça laacibkeeda Lionel Messi.

Ronaldo, oo ciyaarta bedel kusoo galay, ayaa kaarka cas qaatay ka dib markii loo taagay jaale labaad.

Jaalaha koobaad wuxuu ku qaatay markii uu fanaanaddiisa siibay asagoo u debaaldegaya goolka uu dhaliyay. Kan labaadna waxaa loo taagay markii uu isku tuuray goolka Barcelona agtiisa.

Ronaldo ayaa ku doodayay in Samuel Umtiti oo daafaca uga dheela Barça uu xeyndaabka rigoorada ku dhex tuuray, sidaana uu xaq ugu lahaa rigoore.

Goolka saddexaad ee Real ayaa ahaa mid uu si qurux badan u dhaliyay Marco Asensio.

Lugta labaad ee Super Cup-ka Spain ayaa waxa ay Real ku martigelin doontaa Barça habeenka Talaadada ah.

Barcelona ayaa u muuqata inuu ka burburay nidaamkii weerarka ahaa ee loo bixiyay ‘MSN’ oo loo soo gaabiyay Messi, Suarez, Neyman, ka dib markii dhawaan uu Neymar kaga biiray Paris St-Germain.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Super Cup: Real Madrid oo ka adkaatay Barcelona appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author