Soomaaliya yaa u roon Boqortooyada Sacuudiga iyo dawladda yar ee Qadar?

Is riix-riix siyaasadeed ayaa ka dhex curtey Wadamada carabta, xulufo uu horkacayo Dalka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Wadanka Qadar, eedo kala duwan ayaa loo soo jeediyay, si kulul ayay Dawladda Qadar u beenisay eedahaasi, war qoraal ah oo ka soo baxay Xukuumadda Doxa ayaa lagu sheegay in Sacuudigu uu doonayo sidii uu Qadar u galin lahaa Maxmiyad uu u taliyo.

Khilaafkaan cusub ayaa saameyn balaaran ku yeeshay Wadamada ku mataaneysan Jaamacadda Carabta, Dalal badan oo ka mid ah ururka Jaamacadda Carabta ayaa la safety xulufada Sacuudiga waxayna si deg-deg ah u gooyeen xiriIrkii ay lahaayeen Dawladda Qadar, Soomaaliya oo xiriiir dhaw la leh dhinacyada is haya ayaa ku talisay mushkilada siyaasadeed ee soo if bxaday in lagu dhameeyo wadahadal iyo miiska dushiisa.

Waa suurtagal in khilaafkaan uu soo yaraado, waana dhici kartaa inuu cirka isku sii shareero, Soomaaliya oo danno badan ay kala dhaxeeyaan Carabta is dagaalsan ayaan la ogeyn waxa uu mowqifkeedu iska badali doono haddii arintu ay sii kululaato, in ka badan Nus Milyan Soomaali ah ayaa ka xoogsada Dalka Sacuudiga, halka tiro aad u kooban oo u badan Arday iyo Darawaliin {wadayaasha gaadiidka} ay ka xamaashaan Wadanka yar ee Qadar.

Haddaba haddii ay xaaladu sii adkaato yaa mudan inay Soomaaliya la safato, ma Sacuudiga iyo xulufadiisa mise Wadanka sii go’doomayo ee Qadar? Fadlan nala wadaag Taladaada

 

WQ: C/Laahi Shiiqaalow

 

 

 

The post Soomaaliya yaa u roon Boqortooyada Sacuudiga iyo dawladda yar ee Qadar? appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author