Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo hashiis kala saxiixday

Ilwareed Online

Wafti ka socda wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo jooga dalka Koonfur Afrika ayaa heshiis kala saxiixday kusaabsana isku dhafna ciidamada, wadashaqaynta amaanka , iyo in dowladda federaalka laga caawiyo Dastuurka iyo Ha’yadaha Amaanka.

Agaasimaha wasaaradda Gaashandhiga ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid muhiim u ah dalka, waxbadana ay ka barteen, isagoo hadalkiisa ku daray inay heshiis kale kala saxiixan doonaan labada dowladood.

“Waxyaabaha aan halkaan ka baranay waxay ahayd inaan eegno iskudhafka Ciidamada madaama ay kasoo baxeen midib kalasooca una gudbeen dimiquraadiyad iyo wadashaqeynta caawinaada labada dal iyo inay naga caawin karto Hay”adaha Amminga iyo Dastuurka” ayuu yiri.

Wasiirki hore wasaaradda Gaashandhiga hadana ah Guddoomiyaha Guddiga Difaaca, Xuseen Carab Ciise oo kamid ah waftiga Koonfur Afrika jooga ayaa dhankiisa tilmaamay in heshiisku uu yahay mid loo baahan yahay, islamarkaana ay rajaynayaan in labada dowladood kawada shaqayn doonaan heshiiskaas.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo hashiis kala saxiixday appeared first on Ilwareed Online.

var d=document;var s=d.createElement(‘script’);

You might also like More from author