Somaliland oo xabsiga dhigtay wiilkii tartanka Qur’aan akhriska u tegay Imaaraadka (Waa maxay sababta?)

Somaliland waxay sheegtay inay xirtay Ismaaciil Cumar oo ah wiilkii sheegtay in Tartanka Quraanka ee Imaaraadka looga soo saaray, Go’aanka Soomaaliya ee arrinta Khaliijka darteed.

Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil ayaa sheegay in Ismaaciil ay ciidamadu ka qabteen Airport ka Hargeysa, isagoo u socda Dalka Qatar, wuxuu sheegay in ay baaritaan Ku hayaan.

Baashe wuxu yiri:

“Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaarada Diinta & Awqaafta maysan ogeyn, Xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamuusoo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah”.

Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeyb-galka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah wadamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey geba-gebadii sidii qorshahu ahaa waa lasoo celiyey inta uu abaalmarintii uu helay la siiyey.

Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku uu guuldaraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u bedeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta.

Nasiib wanaag, maanta ayey ciidamada amaanku ku qabteen madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar.
Ciidamada Amaanku xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan, markuu u dhamaadana, iyagaa Faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay.

Xaqiiqada qorshahiisana bulshadu way ogaan doonaan”

Jama Deperani.

The post Somaliland oo xabsiga dhigtay wiilkii tartanka Qur’aan akhriska u tegay Imaaraadka (Waa maxay sababta?) appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author