Somaliland oo u diiday inuu Hargeysa ka dhoofo Ismaciil Buubaa

Somaliland ayaa u diiday inuu garoonka Hargeysa ka dhoofo Ismaciil Hurre Buubaa oo hore u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya hadana ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani xilli uu u dhoofayey magaalada Nayroobi.

wasiiru dawlaha amniga Maxamed Muuse Diiriye ayaa warbaahinta u sheegay in sababta ay ugu diideen Buubaa inuu dhoofo ay ahayd isaga oo adeegsanayey Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Soomaaliya.

wasiirku waxa uu intaas ku daray in ay ogolyihiin in la isticmaalo basaaboor kasta oo dal kale leeyahay marka laga reebo kan Soomaaliga diblumaasiga ah ee Buubaa sitay.

The post Somaliland oo u diiday inuu Hargeysa ka dhoofo Ismaciil Buubaa appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author