Somali-land: Safaaradeena waxaa dab qabadsiiyey muwaadin Itoobiyaan ah

Ilwareed Online

Maamulka Soomaali-land ayaa shaaciyay in la gubay dhimsaha Safaaradii ay ku lahaayeen magaalada Adis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya kadib markii muwaadin la sheegay in uu u dhashay Itoobiya uu dab qabadsiiyay dhismaha.

Safiirka Soomaaliland ugu magacaaban Itoobiya ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray “Waxaa xalay saqdii dhexe dab la qabad siiyay dhismaha Safaarada Jamhuuriyadda Soomaaliland ee magaalada Adis Ababa waxaana loo qabtay qof u dhashay Dalkaan oo la aaminsan yahay in uu ka dambeeyay” sidaas waxaa sheegay Safiirka Soomaaliland ee Dalka Itoobiya.

Ilaa hadda lama cadeyn Khasaaraha ka dhashay dabka balse Soomaaliland ayaa sheegtay in lagu guuleestay daminta Dabkaasi, sidoo kale Lama oga Sababta ka danbeysay in dab la qabadsiiyo Dhismaha Safaaradda.

Mudooyinkii danbe ayaa waxaa taagnaa xiisad u dhaxeysa Maamulada Soomaaliland iyo Ismaamulka Qoymiyadda Oromiya ee Dalka itoobiya waxaana la aaminsan yahay in falkaan ay ka danbeeyaan Shaqsiyaad ka soo jeeda Qoymiyadda Oromiya.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Somali-land: Safaaradeena waxaa dab qabadsiiyey muwaadin Itoobiyaan ah appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author