Somali-land oo ku howlan aqoonsi Saldhig ku badalasho

Warar hoose oo aynu heleyno ayaa sheegaya in dowladda isutagga Imaaraadka Carabta ay ku qancisay maamulka Somali-land meel  marintii heshiiskii dhexmaray labada dhinac ee ku saleysnaa in Imaaraadku uu saldhig ka furto magaalada Barbara taasi badalkeedana uu Imaaraadku aqoonsi siiyo maamulka Somali-land oo in muddo ah halgan ugu jiray raadinta ictiraaf  uu ka helo dowladaha caalamka gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha Somalia.

Wasiirka duuliska ee dowaladda Imaaraadka Saif Mohammed  Al Suwaidi ayaa lagu wadaa in uu dhawaan tago magaalada Barbar iyadoo wafdiga uu Magaalada  ku soo dhawayn doona Madaxweyne Siilaanyo wuxuuna wafdigu booqan doonaan Dekeda iyo Garoonka magaaladaasi, iyadoo Imaaraatkuna uu  doonayaa in Do you want to save on your bentyl purchase and get a quality medicine? Buy it at our store for 0.55 USD and save big! uu la wareego garoonka diyaaradaha ee Berbera, tiiyo  ay horay ula wareegay dekeda magaaladaas.

Wafdiga ayaa intaa dib ka dib waxay diyaarada u raaci doonaan Magaalada Hargeysa oo soo dhawayn loogu samayn doono, waxana shir ay ku yeelan doona xarunta Madaxtooyada.

Haddi uu tago wafdigan magaalada Barbara waxay ay noqoneysa markii u horaysay ee wafdi ka socda Imaaraatka uu tago deegaanada uu gacanta ku hayo maamulka Somaliland, iyadoo dhawaanahanna uu maamulka Somali-land ku howlanaa xiriirada uu la sameynayo dowaladaha daneeya Somalia oo ay ku jiraan kuwa carbeed si ay isugu dayaan bal in ay helaaan xiriiro caalami ah oo aysan dowaladda dhexe kawara qabin.

 

You might also like More from author