Sideed askari oo ka tirsan ciidanka Jaad oo loo dilay ka dib dagaal dhexmaray kooxda Boko Xaraam

Sarkaal u waramay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP, ayaa sheegay in sideed askari oo ka tirsan ciidanka dalka Jaad la dilay ka dib markii dagaal qaraar uu dhexmaray iyaga iyo kooxda Boko Xaraam.

Dagaalkaan oo dhacay maalmo ka hor ayaa waxaa uu ku dhex maray jasiiradaha Naayjeeriya ee udhow dalkaasi Jaad. Korneeylka lugu magacaabo Azim oo ka tirsan ciidanka Jaad ayaa wakaalada u sheegay in kooxda Boko Xaraam ay weerar ku soo qaaday jasiiradahaasi, balse weerar rogaal celin ah oo ay ku qaadeen ay ku dhinteen sideed askari oo ka tirsan ciidanka Jaad, halka sideed iyo toban askari ay ku dhaacwameen. Korneeyl Azim waxaa kale oo uu sheegay 162 maleeshiyo oo ka tirsan kooxda argagaxisada Boko Xaraam lugu dilay. Boko Xaraam oo ah maleeshiyo diimeed xirriir la leh Alqaacida ayaa dhibaato ku heeysa qeybo ka mid ah dalkaasi Neejeeriya iyo dalal ku yaala afrikada Galbeed.

 

Ciidamo ka tirsan Jaad ee dagaalka kula jira kooxda Boko Xaraam.

 

Somaliweyn/AFP

 

The post Sideed askari oo ka tirsan ciidanka Jaad oo loo dilay ka dib dagaal dhexmaray kooxda Boko Xaraam appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author