Shirweyne ka furmaya Muqdisho

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in Muqdisho dhawaan ay ka furayaan Shir weyne dib u heshiisiin ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaaradiisa ay ka shaqeyn doonto Hormarinta iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay muhiim tahay in dib u heshiisiin laga dhex sameeyo Bulshada Soomaaliyeed isla markaana ay ka shaqeynayaan midnimada dadka.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in ujeedka shirkaasi uu yahay in dib u heshiisiin dhab ah laga dhex sameeyo dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah maadaama dalka muddo uu colaad ku jiray.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xooga saareyso dib u heshiisiin dhab ah si dadka Soomaaliyeed isdhex galkooda uu u sahlanaado.

The post Shirweyne ka furmaya Muqdisho appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author