Shirkii 3-aad ee Qurbajoogta Puntland ee Yurub oo Maanta ka furmay Copenhagen+Sawiro

Ilwareed Online

Magaalada Copanheagan ee Dalka Denmark waxa si Habsimi leh uga Furmay Shirweynihii Sadexaad Dallada PEDAN oo ay ku mideysan yihiin Ururadda Qurbo-joogta Puntland ee Yurub.
Shirka ayaa sanadkan waxa soo qaban qaabiyay Ururka Kulan Organization Denmark.
Martisharafta shirka kasoo qayb gashay waxa ka mid ah Wasiirkii hore ee Maaliyada Faarax Cali Shire,wasiir ku xigeenka warfaafinta hidaha iyo dhaqanka Puntland mudane Cabdirisaaq Cumar ismaaciil Shiikh Aduun,Wakiilka Puntland u fadhiya Finland mudane Cabdifataax Janagale ,Ku xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’adda xiriirka Jaaliyadaha Puntland mudane Xabiib Faarax
Martisharafta kale ee shirka kasoo qayb gashay ayaa waxa ka mid ahaa Jaaliyaddaha Puntland ee ka kala yimi wadamada Ireland, Finland, Sweden, Norway, Denmark, Holland, Austeria, Uk,
Furitaankii shirka waxa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Kulan Organization Denmark Mudane Faarax Ciise,Gudoomiyaha Dalada Qurbajoogta Puntland ee Yurub Mudane Maxamed Cabdule Faarax Mosul,Wasiirka ku xigeenka wasaarada warfaafinta Puntland Mudane Cabdirisaaq Shiikh Aduun,Wasiirkii hore ee maaliyada Puntland Faaraxa Cali Shire iyo Ku xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’adda xiriirka Jaaliyadaha Puntland mudane Xabiib Faarax kuwasoo dhamaan soo dhoweeyay martisharafta , waxayna Hambalyo u direen daladda Pedan oo Sadex sano jirsatay.
Gudoomiyaha Dallada Pedan Mohamed Cabdulaahi Qoordheere ayaa Halkaasi kasoo jeediyay Warbixin ku saabsan PEDAN iyo Sanadkii ay jirtay waxyaabaha u qabsoomay, Gudoomiyaha ayaa sheegay in PEDAN lagu bilaabay 17-urur balse iminka ay kor u dhaafayaan Uruurada ku midaysan ilaa 30-urur.
Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan qaybta Fulinta PEDAN ayaa soo Jeediyay Warbixino kala duwan oo ku saabsan PEDAN iyo Qorshayaasheeda.

Martisharafta Shirka kasoo qabtay ayaa isku raacay in Labo sano kadib ay qirayaan inay tahay Guul la gaaray Sameyntii Dallada PEDAN.
Shirkan ayaa socon doona muddo 5 ilaa 8.10.2017 wuxuuna shirka xirmi doonaa 8.10.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Shirkii 3-aad ee Qurbajoogta Puntland ee Yurub oo Maanta ka furmay Copenhagen+Sawiro appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author