Shirkada Korontada BECO oo Garasbaaley Degmo u Aqoonsatay

Ilwareed Online

Shirkadda Korontada BECO oo kamid ah Shirkadaha waa weyn ee korontada siiya magaalada Muqdisho ayaa bilaawday in ay magacaawdo degmooyin aan dowladda Soomaaliya magacaabin.

Sida aad ka arki kartaan sawirada, BECO waxa ay degmo dheeraad ah kusoo dartay 17-ka degmo ee gobalka Banaadir ka koobanyahay, waxa ayna Degmo u magacawday Deegaanka Garasbaaley oo katirsan degmada Dayniile.

Dad badan ayaa waxa ay isweydiinayaan sharciga u ogolaanaya shirkad ganacsi in ay degmo magacaawdo, iyada oo la ogyahay in magacaabid degmo ay u baahantahay wareegto madaxweyne, Lama oga sababta ka danbeysa iyo ujeedka Shirkadan ka leedahay arintan.

Shirkadaha Ganacsi qaarkood ayaa mararka qaarkood dano ka raadiya siyaasada, Shirkada Korontada BECO ayaana lagu dhaliilaa in mararka qaarkood faraha lagasho siyaasada una adeegsato danaheeda ganacsi.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Shirkada Korontada BECO oo Garasbaaley Degmo u Aqoonsatay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author