Shirka qorshe howleedka wasaaradda waxbarashada oo Muqdisho ka furmey

Shirka qorshe howleedka wasaaradda waxbarashada ayaa  socon doona muddo laba maalmood ah, waxaana furay wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka, waxaana looga hadlayaa dib u habaynta qorshe hawleedka wasaaradda, kaas oo taabanaya dardargalinta samaynta manhajka waxbarasho ee dalka, muhiimad kala siinta hawlaha horyaala wasaaradda iyo tayaynta shaqaalaha wasaaradda.

Shirka oo lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee magaalada Muqdisho waxaa ka qaybgalay hawlwadeeno ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo aqoonyahano Soomaaliyeed, kuwaas oo mawduucyadaas ka faaloondoona labada maalin ee shirku socdo.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada Axmed Yuusuf Maxamed,ayaa sheegay in wasaaraddu ay horyaalaan hawlo badan oo ay lama huraan tahay in gudashadooda loo istaago, shirkana uu qayb ka yahay fulinta howlahaas.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare Faysal Cumar Guuleed, ayaa isna sheegay in talooyinka iyo qodobada ka soo baxa shirkan ay ka qayb qaadan doonaan dadaalka lagu jihaynayo hawlaha wasaaradda.

Dhnka kale Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan, ayaa sheegay inay ka go’an tahay hirgalinta manhaj waxbarasho oo ka tarjumaya danaha iyo hiigsiga bulshada Soomaaliyeed.

The post Shirka qorshe howleedka wasaaradda waxbarashada oo Muqdisho ka furmey appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author