Shirka Golaha Wasiirada oo lagu soo gaba gabeeyay Kismaayo iyo sharciyo lagu ansixiyay

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo, iyadoo lagu ansixiyay sharciyo dhowr ah.

Shirkan oo ahaa midka todobaadlaha ah ayaa ah kii u horeeyay ee ka dhaca meel ka baxsan magaalada Muqdisho, tan iyo markii dowladdu ay ka baxday kumeel gaarka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoominayay kulanka, iyadoo uu dhinac fadhiyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.

Golaha Wasiirada ayaa shirka ku ansixiyay sharciga Saxaafada oo dhowaan Wasiirka Warfaafinta ku dhawaaqay in dib u eegis lagu sameeyay qodobadii ay cabashada ka keeneen saxaafada.

Sidoo kale Waxaa shirka lagu ansixiyay sharciga Waxbarashada oo uu soo diyaariyay Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta.

Waxaa kaloo shirka lagu ansixiyay xuquuqda uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo markii u horeysay dowladda Soomaaliya ay xuquuq gaar ah u sameyn doonto madaxda dalka soo maray.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin ku aadan marxaladaha uu soo maray Xeerka oo Baarlamaankii hore uu horey u ansixiyey bishii Diseember 2015.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Sababaha keenay in wax-ka bedel loogu sameeyo Xeerkan Saxaafada ayaa aheyd cabashooyin ka yimid suxufiyiinta Soomaaliyeed oo qodobo ka mid ah u baahdeen in wax laga bedelo sida qodobka 35aad oo sheegayey in suxufigu uu heystaa shahaado jaamicadeed ee suxufinimo. Sidaad daraadeed ayaan qodobkan wax uga bedelnay iyo sidoo kale qodobyo kale oo ka mid ahaa Xeerkan.”

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo ballaaran la yeelatay Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad-Goboleedyada, bahda warbaahinta Soomaaliyeed, Somali Media Support Group iyo dhammaan dadka ay khuseyso. Tanoo keentay in qodobada la isku raacay lagu bedelay kuwii cabashooyinka ka timid.

Xeerkan Saxaafada oo ay Golaha Wasiiradu ansixiyeen maanta ayaa loo gudbin doonaa Golaha Shacabka si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan.

The post Shirka Golaha Wasiirada oo lagu soo gaba gabeeyay Kismaayo iyo sharciyo lagu ansixiyay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author