Shir looga hadlay mudada bixitaanka Ciidamada AMISOM oo lagu soo afjaray Itoobiya

Shir balaaran oo ay ka qeyb galeen saraakiil ciidan oo ka kala socday dawladaha Soomaaliya, Maraykanka, Midawga Yurub iyo taliska AMISOM oo todobaadkii hore ka dhacay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa diirada lagu saaray diyaarinta sidii ay ku Soomaaliya uga baxayaan ciidamada AMISOM marka We offer the most affordable prices for coumadin on today’s market. Make sure to check our offers and buy coumadin for 0.41 USD today at our online pharmacy! la gaaro sanadka soo socda ee 2018.

Warbaahinta ayaa cadaysay in Maraykanku soo qaban qaabiyay kulankaasi waxaana lagu soo hadal qaaday diyaarinta in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan shaqada ay hadda hayaan ciidamada ka socda Midawga Africa ee AMISOM la yiraahdo.
Wargeyska Daily Nation ee Kenya kasoo baxa ayaa qoray in shirkaasi oo socday intii u dhaxaysay 20 illaa iyo 24.kii bishaan ayna ka qeyb galeen 100 sargaal waxaa lagu soo bandhigay dhoolatus ciidan oo la xariira sida ay u baxayaan ciidamada AMISOM iyo sida ay kuwa Soomaaliya shaqada ula wareegayaan.
Thomas Waldhauser Taliyaha taliska Maraykanka ee Africa ayaa sheegay in AMISOM sida muuqata ku daaleen hawlgalka ay Soomaaliya ka wadaan, kadib markii ay in muddo ah la dagaalamayeen Al-Shabaab isla markaana ay dhul badan ka saareen waxaana uu intaa ku daray in la joogo waqtigii ay haswshaan la wareegi lahaayeen ciidamada dawlada Soomaaliya.
Sargaalkaan wuxuu sheegay inaan marnaba la dafiri Karin inuu jiro khasaare xoog leh oo ciidamada AMISOM ka soo gaaray dagaalka Soomaaliya ka socda inkastoo aan si cad loo shaacin willi sida uu yiri sargaalka haysta ciidamada Maraykanka ee Africa.
Dhanka kale Wakiilada AMISOM kulankaan u joogay waxay sheegeen in ciidamada ka bixitaanka Soomaaliya ay bilaabayaan sanadka soo socda ee 2018 lana dhamaystiri doono marka la gaaro dhamaadka sanadka 2020,ka.

You might also like More from author