Sheeko Xariir: Gaso, ganuun, Gasiin Q.52aad. Prof. Cali Jimcaale Axmed. LII

Ilwareed Online –

Sheeko, shekel!
Sheeka Xariir!

Mar labaad ayaa la ismacasalaameeyay. Oday Falliir ayaa qolkiisi u hoyday.  Raggi kalena guryahoodi ayay kala aadeen.

Salaaddii ceshaha ka dib, muddo hadalkii iyo saanti aadmigu soo koobmaayeen,  carruurtiina mar hore la seexiyay ayaa si keddis ah meeshuu nal ka ifaayey magaalada oo dhan hal mar zam tiri. Cir iyo dhul ayaa isqabsaday. Waxaa loo qaatay in uu cirki soo dumay. Haddana dadka intooda badani wax weyn lama ahayn in korontadu tagto: marar hore oo badan ayay magaaladu mugdi ku seexatay, kuna so bariisatay ama toostay. Sababo kala duwan ayaa markasta loo aaneynjiray. Dadka qaarkii ayaa ku macneeyay in xoolihi wakaaladdu lahayd la dhunsaday ama lagu takrifalay. Waxay dadkaasu ahaayeen dad awalba godob tirsanaayey ama ciil gaamuray qabay. Kuwo kale ayaa u fasiray in koronto la’aantu salka ku haysay tashiil xumo harqisay ama haraysay hay’adahi beledka ka jiray oo dhan. Kuwo seddexaad ayaa sheegay in ay iyagu kala jeclayn in koronto la helo iyo in la waayo, maadaam ay iyagu ka arradnaayeen markii horeba. Kuwa waxa qoraa ama hadalka dadka ka faallooda oo qaadaa-dhiga ayaa ka yaabay meesha arrad iyo koronto wa’ ay iska soo gelikareen, laakin haddana hadalkoodi ku soo gooyay, “Waa qof iyo maankeed.”

Fasiraado kale oo dhowr ah oo milgo iyo majo la qabto toona lahayn ayaa marmar suuqa fadhikudirir facood ka haray ay ku cajiimijireen. Dadka sarriibashadu weli ku dambaysay ayaa ka maagijiray hagabsi aan dun la qabtaa lahayn.   Isku soo duub oo korontadi tagtay ayaan wax weyn loo qaadan. Dadki ayaa dib ugu noqday wixi ay ku dhexjireen inti ay korontadu tegin. Kuwi jiifay jiifkoodi ayay dib ugu noqdeen. Kuwii hawl haystay ayaa feynuusyo shitay. Kuwaa karboono ama tooj miciin biday. Waxaad u qabtay magaaladu in ay dib ugu noqotay aamusnaanti ay inta badan ku jirtay inti ka horraysay dab beelki korontada.

Mar ay tahay saq dhexe ayaa haddana cirifka magaalada laga maqlay bulhan iyo qaylo dhaan dad badani walaac gelisay. Akhyaarti afarta daaf ee magaalada kala degganayd ayaa orod ku tegay Geedki madasha, oo ku yiil meel u dhexaysa xaafadihi afarta ahaa. Waxaa akhyaarta wehliyey ciddi cago iyo cudud loo calfay. Hoodadu dadka oo dhan ma wada gaarin. Waqtigu ma ahayn mid saamixikara nasiib wada taabta dadka oo dhan. Goobti akhyaartu iyo calaflaydu isugu soo uruureen ayaa tooj iyo faynuusyo wada noqotay. Akhyaarti ayaa dhinac ama gooni u baxday. Waxaa weli isa soo taraayey qayladi ka soo unkuntay galbeedka xaafaddi bulhanku ka soo yeeray. Oday Bulac ayaa ku taliyey in meesha lagu baxo. Oday Biimo ayaa ka dayrshey taladii Mulac, isaga oo ku taliyey in la sugo inta ow waagu ka baryaayo.

Bulac ayaa yiri, “Markaasi waa mar ay xeero iyo findhaal kala dheceen. Qayladu hadda ayay leedahay majo la qabto ee aan ku baxno inta goori goor tahay.”

Biimaa yiri, “Saad ku arkaysaa mijaheda haddii aadan u jeedin in ay kaa sii jeedo iyo in ay kugu soo jeedo?”

Waxaa la maqlay oday Mergo oo dhuunta saxanaaya. Xaggiisa ayaa la wada daymooday. Waxa uu aayar u yiri: “Ma isweydiiseen horta meesha qayladu ka soo dhacayso. Shalay barqadi ayaa rag aan ku jiro kaftan dhable isku dhaafsaday meel aan ka fogayn makhaayadda Maqaar Saar …”

“Maad iska tiraahid makhhaayadda Muruugo Ciil,” oday Boos ayaa ka soo dhexgalay.

Mergo ayaa si deggan ugu jawaabay: “Hadal quruxdii waa in la kala qaadan karo ee Boosow kaalintaada sug. Teeda kale digashadu daw maaha.”

Mergo ayaa hadalki sii watay oo yiri, “Mugga akhyaareey, waxaan idiin sheegaayey shalay barqadi wixi ka dhacay meel quraac lagu cunaayey oo nin aanan aqoon inkaar kala dul dhacay mid kale oo aan laba beri ka hor aan kula kulmay Waaxda Dhul Bixinta. Raggi meesha fadhiyey ayaa ku kala qaybsamay inkaarti la tuuray. Nin agtayda fadhiyey ayaa yiri, ‘Inkaartaan oo kale waa tan la yiraa, ‘Abeeso haku cunto afka uma roona.’ Waa tu muggi la xooro durbadiiba soo daahirta. “

Boos ayaa mar kale ka soo dhexgalay, “Arrooy mururuqda inta aad iskala herto, noo sheeg waxaad ka qabto labada fikir ee meesha yaalla. Ma waxaad ku fikirtahay Bulac mise waxaad taageeree Biimo?”

Mergo ayaa si xassilan u yiri, “Eeboobow, dawdawda iska dhaaf. Waxaad u ekaahee kii la yiri, “Go’ ku gado.’ Igaaraa geber isyiri u bootee meel gebley shimbir lagu dheelaayay. Inta ow fiijiyey ayuu shactaro iyo dhoollatus ku yiri, ‘Waxaan kuu gedaa dhar qurxoon.” Waxay ka yaabtay arradki isaga naftiisa ka muuqday. Mugga hee, eebow, dawdawle ha nagu noqon. Hadalkina adaa kuu dhaafay.”

Boos ayaad u qabtay in hadalki Mergo dhulka ku legday. Inta uu hoos fiiriyay ayuu yiri, “Waxay ila tahay in meesha lagu baxo.”

Fayow ayaa yiri, “Waxaan Maaling Ciise ina Siyaad ka maqlay sheeko ku habboon meesha uu hadalkaynu hadda maraayo. Tukulush ama dabaggaalle ama unrays ayaa miro ka soo gurubsaday geed jeerin ah hoostiisa.  Ma hubo in ow geedka ku sheegay jiiqjiiqle iyo jeerin, laakin labaduba waxay leeyihiin quulle uunraysku jecelyahay. Tukulushki ayaa dhulka ku duugtay mirihi. Nin hawl diid ah ayaa quullihi ka xaday unrayski. Waa kii unrayskiina tatoomay ninki. Ninki ayaa miro kale ka xoogay unrayski. Unrayski oo ashtako ah ayaa u dacwooday Libaax Wabar. Dabaggaallihi ayaa libaaxi u sheegay in uu tatoomay nin quulle ka xaday. Libaaxi ayaa ku jawaabay, “Waa wixi qof la dhacay samaynlahaa.” Tukulushki ayaa yiri, “Waxa uu haddana iga sii qaatay miro ka badan kuwii hore.” Libaaxi ayaa yiri, “Wax cusub iima sheegin. Waxa ku qabsaday waa guuldarro nin kastoo tabar yari muto. …”

Boos ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Nacnacda intaad ula socotaa?”

Fayow ayaa ku jawaabay:” Waa sarbeeb doqonyahaow. Hangalleyn meelna kumaa tagtid.”

Wixi la iska dabawareego, waxaa markii dambe laga maarmiwaayay oo lagu hishiiyey in la isku soo noqdo foogta barqadi. Intaa inta ka horreysana in Ina Fagax loo diro in uu soo sahmiyo goobta qayladu ka soo yeertay si berri toos loo abbaro kobta muruugadu ka dhacday. Dadki geedka hoos fadhiyay ayaa guryahoodi ku kala noqday.

Barqadii dambe ayaa Ina Fagax odayaashi iyo wixi kale oo firaaqa lahaa u hogaamiyay goobti uu soo sahanshay xalay. Waxa uu farta ku fiiqay guri sar ah oo ganjeelo cagaaran leh. Wuxuu yiri, “waa meeshaas maha ay qayladu ka soo yeertay.”

Aw Humbaani oo habeenki hore aan la soo kicin ayaa loo idmaday in ow akhyaarti hogaamiyo. Iriddi ayaa la garaacay. Waxaa ka soo baxay oday ay isgarteen Aw Humbaani. Odaygi ayaa salaamy dadki intoodi kale oo kadibna ku soo dhoweeyay in ay soo galaan mininka. Waxaa guriga joogay dad aad u badan oo aad wejiyadoooda ka arkikartey cabsi xooggan. Marki la iswaraystay kadib ayaa Aw Humbaani weydiiyey bal xog sugan in laga siiyo shilki meesha ka dhacay. Waxaa loo yeeray islaanti guriga hooyada u hayd iyo geber ay dhashay. Waxaa laga codsaday in ay si taxadir ah u soo koobaan wixi xalay ka dhacay gurigooda iyo haddii dad kale oo deris ah ama qaraabo ah ay goobta joogeen milaygi musiibado dhacaysay.

Hooyadi ayaa tiri, “Waxaan aniga iyo seygeyga fadhinay salootada aan hadda fadhino. Gebertu waxay ku jirtay qolkeeda (waxay farta ku fiiqday qolku meeshuu ka xigay salootada). Annaga oo meeshi ku sheekaysayna ayaa hal mar waxaad u qabtay gugac u gaar ah gurigayna hal mar ka ciyey korkayna. Annaga oo yaaban ayaan dushayna ka maqalnay jug weyn oo meel ay ka timid aanan ogayn. Minaan saas qoorta iri waxaa na hortaagan qof weji hagooggan oo saran ri’. Mar labaad ayaan kor fiiriyey oo saqafba maleh salootadi aan fadhinay. Indhaha ayaan isku qabsaday oo aan isiri bal si fiican u fiiri waxa ku hortaagan. Minaan indhihi kala qaaday Urunlihi i qabay ayaanba agtayda joogin. Saski igu dhacay ayaan la suuxay. Waxaa iigu xigtay iyada oo lay babinaayo, biyana laygu habaayo sidi cunug caano la siinaayo.”

Geberti ayaa ka soo dhexgashay oo tiri, “Hooyo aniga marki aan soo orday waxaan arkay wax iila ekaa nin faras saran oo aabe oo riimaaya qoorta ka haaya. Waxaan hubaa in aan arkay faraski iyo ninki saarnaa oo aabe saqafka kala baxay.” Geberti ayaa bilowday in ay ooydo. Nin ag fadhiyey ayaa madaxa u salaaxay, isaga oo leh, “Maandhaay, ha ooyin. Wixi jira annaga ayaa ka daba tegidoonno e.”

Aw Humbaani ayaa weydiiyey haddii ay jirtay cid kale oo meesha ka dhoweyd marki ay masiibadu dhacaysay.

Nin cimmaamd cadi garbaha u saarnayd ayaa yiri, “Anigu waxaan maraayey iridka reer Urunle marki aan maqlay qaylo iyo wax u eg derbi la jibinaayo. Waxaa taa ku xigay danan aan ka maagay oo aan isiri waa ci rati baarqab ah. Waxaan kaloon arkay wax awr naaxsan u eg oo guriga dushiisa heehaabaya. Waxaa awrka saarnaa laba qof oo midkood madaxa u duubnaa.”

Ugu dambaysti waxaa la dhegaystay hadal kooban oo ay soo jeedisay islaan tiri waxaan habaryar u ahay Urunle. Iyada oo illintu ka qubanayso ayay tiri, “Waa naqaan cidda dulmigaan ka dambaysa. Waxaanse wacad ku marayaa in aan saa looga haridoonin. God kastaa oo ay ku dhuuntaan iyo mooro kasta oo ay galaan waa looga dabategidoonaa.”

Marki la weydiiyey cidda ay ku tuhmaysay in ay ka dambeeyeen masiibada dhacday ayay ka dhaaratay in ay magac sheegto.

Barqadaas barqadi xigtay ayay Maymuun Suge farriin degdeg ah u soo dirtay Fiqi Falliir iyada oo ka codsanaysa in ow sida ugu dhaqsiyaha badan xaafaddooda ku soo gaaro.

 

Dhammaad

   
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed 

 



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Sheeko Xariir: Gaso, ganuun, Gasiin Q.52aad. Prof. Cali Jimcaale Axmed. LII appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author