Sheekh caan ka ah Baydhaba oo lagu dhex dilay isagoo ku sugnaa masjid

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay waxaa xalay magaaladaas lagu dilay Sheekh caan ah oo ka tirsanaa culimada Diinta.

Shiikh Maxamed Madeer ayaa waxaa rag bastoolado ku hubeysan ay Masjid ku yaalla Baydhabo dhexdiisa ku toogteen rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in Shiikh Maxamed Madeer uu ka mid ahaa ergooyinkii Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ku doortay Magaalada Baydhabo.

Ragga dilka geystay ayaa baxsaday wax yar ka dib markii ay qaarajiyeen Shiikha oo dilkiisa ay si weyn uga xumaadeen shacabka magaalada Baydhabo.

Maamulka Koonfur galbeed ayaan illaa hadda ka hadlin Shiikh Maxamed Madeer oo ka mid noqonaya dilal joogto ah oo lagu hayo ergooyinkii xarumaha maamul goboleedyada dalka ku soo doortay xildhibaanada baarlamanka Federaalka Somalia.

The post Sheekh caan ka ah Baydhaba oo lagu dhex dilay isagoo ku sugnaa masjid appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author