Sheeka Xariir!: Gaso, ganuun, Gasiin Q.42aad (Prof. Cali Jimcaale Axmed)

Sheeko, sheeko!
Sheeka Xariir!

Inti uusan Toxob hadal ayaa nin dheer oo dhoollacaddayn haaya ka soo baxay gurigi fiddowga lagu qabay. Toxob ayaa indhaha la raacay dhoollacaddaynti ninka. Waxaa u muuqday in uu ninku lahaa ilko kore oo lakab ah. Ninki ayaa yiri, “Cagoolow, soo dhowaada, adiga iyo eebowga kula socda.”

Cagoole ayaa salaan ku celiyey ninki. “Xusuldheerow, waa kaa qaadnay salaanta. Ninkaan waxaa la yiraa Toxob Samasuge oo ka soo jeeda Tuuladi Saciid Maxaad Raage. “

Xusuldheere ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Yaa shimaa u dambaysay Saciid Maxaad Raage?  Sida na loo sheegay waa tii beri hore lagu kala tegay. “

Cagoole ayaa warbixin kooban ka bixiyey reer Toxob iyo qaabki ay u noqdeen reerki ugu dambeeyay oo ka soo hilhisha degaankaas isaga ah. Waxa kale uu ka warbixiyey xandhotirki loo geystay. Xusuldheere ayaa labada gacmood ku salaamay Toxob. Intaas oo dhib ah nin soo maray maa nool, ayuu cod naxariis leh ku yiri. “Eebow, soo dhowaaw. Mininka mininkaada waaye.” Toxob ayaa yiri, “Waa dhowahay. Walaal jira.”

Cagoole ayaa yiri, “Waxaan kaloon Toxob u soo casumay in ay isarkaan odayaal ow ku jiro Maxaad Cali.”

Xusuldheere ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Nasiibdarro, oday Maxaad cali farrin cudurdaarashaa ayuu soo diray. Toxobse wax ka halaabimaayaan oo waxay is arkaayaan oo madasha fadhiya guurti ow ku jiro Xaaji Filay Dheere. Mugga eebowyaal, soo gudba.” Odayaashi ayaa qolki ay akhyaartu fadhiday gudaha u soo galay. Waxay isa salaameen rag fadhiyay qol haaneed loo goglay. Waxaa meesha lagu goglay kattiifado meelo fogfog laga keenay. Waxaa kale oo meesha ku fidsanaa dhanbalo iyo dermo oo ay farshaxankoodu lahaayeen dumarki xaafadda, bilicna aan ka liidan kattiifadihi meelaha fogfog laga keenay. Waxaa dhanbalaha reedaha ka yiil barkimo ku dhexjiray harqado aad u qurux badan. Toxob ayaa saa isha ula raacay raggi meesha fadhiyay. Waxay lahaayeen odayaal iyo rag kale oo da’dhexaada. Waxaa indhahiisa jiitay shaararka kala noocnooca ah oo ay lebisnaayeen. Toxob ayaa xoogaa xishoodihi galay. Waxa ow hoos u dhugtay calalladi uu xirnaa. Haddana dharki ay xirnaayeen odayaashii madasha fadhiyey ayaa himmo hor leh geliyey.  Anna mug dhow ayaan saas oo kale u lebisandoonaa, minii Eebe idmo, ayuu niyadda iska yiri.

Cagoole iyo Toxob ayaa gacanqaaday qaar ka mid ah odayaashi maxfalka fadhiyay, iyaga oo gacmaha u haatiyey inti ay salaanta la gaariwaayeen. Waxay salka dhulka dhigteen meel u dhow mihi ow fadhiyay Xaaji Filay Dheere. Xaajiga ayaa lagu yiqiin aqoonta uu u lahaa degaanno badan oo adduunka ku yaal. Waxaa uu caan ku ahaa tusmo haaneediska iyo daliisha uu soo xigto marka uu rabo in ow qanciyo qof hadal kala dhexeeyay. Marki uu salaamay Cagoole iyo Toxob ayuu Xaajigi sii watey sheeko ow dadki meesha fadhiyay u sheegaayey inti ay akhyaarta dambe goobta imaan.

Waxa uu yiri, isaga oo hadalkiisi sii wata, “Waxaan aniga iyo marxuumka aan fiddowgiisa u fadhino beri socdaal u tagnay dhul aan mahaan ku aallin. Saad ogtihiin aniga iyo eebowgi naga baxay waxaan ahayn geddisley cagahooda meel walba soo taabteen. Waxaan lug ku tagnay meel koonfur kaxigta Bowd Balaayo oo berigaas aysan koronkoradu mooraduugin. Waxaa markii hore la dhihijiray Laan Qoyyan iyo Laamis aan Dhamaan. Waxay caan ku ahayd hab wanaagga hagarla’aaneed oo ay socotada habeendhaxa ahi u martisoorto. Waxaan ka yaabnay sida degaanka looga yiqiin sheeko aan u haysanay in ay degaankaynna uun ku koobnayd. Waxaa hooy iyo martigelin na siiyay qaadigi magaalada oo noo sheegay in uu asal ahaan ka soo jeeday  Fiin Gaduud. Waxa uu salaaddii cishaha ka dib nagu casumay in aan muska daashkiisaa fadhiisanno oo aan la shaahno. Waxaa la keenay shaah shaadali ah iyo weliba qaxwe iyo timir busuri bicir dhexda ka noqotay. Aniga shaaha waa leyga badshaa, qaxwadana saas kuma ihi, laakin muggi aan arkay timir busuri gogosha la soo dhigay ayaan goostay in aan shantoo xabbo aan ku baashaalo. Halna yaan timir iyo wax aan loo joogin idinku harfacine, waxaa qaadigi gogosha noo dhigay uu noo sheegay sheekadi aan idiin sarbeebay. Waa mid aad wada taqaanaan.”

 

La soco Q.43aad    
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed 

Gaso, ganuun, Gasiin  Q.43aad (Prof. Cali Jimcaale Axmed)

Sheeko, sheeko!
Sheeka Xariir!

Nin goobta fadhiyey ayaa yiri, “Xaajiyow, soo koob hadalka oo noo sheeg sheekadi qaadigu idiin sheegay.”

Xaaji Filay Dheere ayaa yiri, “Intaad u kudaysaa oo kaa horreysa? Sheekaan la bilinse saa loo sheegaa? Mase nin sheekayhaaya ayaa laga soo dhexgalaa?” Inta uu qoslay ayuu yiri, “Waxaan ka maqlay qaadigi sheekadaan:

Seddax dibi ayaa meel duur ah ku noolaa. Waxay u ekaayeen kuwo xigtadoodi soo eryeen. Muddo ka dib, waxaa dibiyadi ku soo biiray waraabe usna goorba la soo deyrshey. Dhulku waa barwaaqo, biyo iyo baadba laga haqab iyo oonbatiray. Waxaa kale oo meesha ku badnaa ugaar kala nooc ah. Waraabaase wacad iyo dhereg toona aqoon. Muddo kadib, waa kii hoos ula faqay dibigi madoobaa iyo kii gaduudnaa. “Talaan idiin wadaa,” ayuu hadalki ku bilaabay. “Mug aan dheerayn waa nala soo weeraridoonaa, dad iyo dugaag ciddi ay rabto ha noqdeene. Mugga waxaan soo jeedinaayaa in dibiga cad ley siiyo, inta uusan habeennada mugdigaa uusan noo soo jiidin in meel fog nagala arko. Waxay labadii dibi si fudud ugu raaceen waraabihi taladi uu soo hindisay. Saas ayuuna waraabihi ku dilay dibi caddihi.

Waa dhurwaa’ iyo xeeladahiisi laqdabee, waxa uu haddana isugu yeeray shir kale oo looga arrinsado halis cusub oo khatarteeda lahayd. Waxa uu ka dhawaajiyey sida loogu baahnaa in la meeleeyo dhibka dibiga madow u keenikaray kutladda. Waxa uu yiri, “Muggi hore afar ayaan ahayn oo cudud fiican yaan lahayn, haddase waxaa nahay seddex oo keliya, taas ayaana kallifaysa in aan cindiga iyo maanka kaashano. Lajirka uu nala joogo dibiga madow waxay keenaysaa in la waayo qaab aan maalinti u nasano. Geedki aan is-niraa ku harsada waxaa meel dheer ka soo sahansanaaya libaax dorraad aaggan soo galay. Shalay waxaan arkay asoo balliga meel aan ka fogayn hawaara. Mugga hee withaay casow, waxaan soo jeedinaa in aad iigu faataxayso withaaygeen madoobe.

Dibigi madoobaa ayaa qosolgariir qoslay. Isaga oo la hadlaaya dibigi kale ayuu yiri, “Waxay ahayd in aan ka fikiro in ay tanu soo socotay. Marki lagu loodiwaayo, waxaa meesha laga saara wixi garab kuu noqonkaray. Shalay ay ahayd in aan saan u fikiro. Dhiiggi dibi walaalkeyn ahaa ayaa hadda nagala gudaayaa. Haddaad maanta i dayriso, waa uun adna muggaaga soo qoyso oo adna balaayo gondahaaga ka damoo.”

Dibigi gaduudnaa ayaa yiri, “Eebow, hadalka uu ka dhawaajiyey withaaygeen waraabe wax ayaa ka jira. Medebkaagu waxa uu halisgelinaayaa noloshayna, marka aniga oo ka xun, waa in aan haddana ku raacaa ra’yiga waraabe talo iyo ra’yi ku qotoma jiritaankayna. Saas awgeed, walaalkey raalli ahaaw.” Isla markiina waxa uu madaxa ka dadbaday in uu markhaati ka noqdo weerarki waraabuhu ku qaaday dibigi madoobaa.

Dibigi madaabaa ayaan si sahlan loo loogin. Isaga oo dirir naf-badbaadis ah ku jira ayuu haddana si dheer u yiri, “Dibi Casow walba haddaad i dhiibtay, indhaha haka qarsan sida lay dilaayo. Walba xaggayga soo daymoo si aad u aragtid waxa adna kuu dambayn doona.” Waxyar kadib, waa kii dibigi casaa usna dhegta dhiigga loo daray. Waraabaa yiri, “withaayow, waxaan rabaa wixi aan bartay. Waxaan isku dayidoonaa in aan si ka xanuunyar sidi aan u loogay xigaalkaa aan adiga ku liqo.” Dibiga ayaa ka qayliyey khiyaanada  gurracan oon sabab loo hayn. “Xaad igu gelaysaa mar haddii aan medabkaygu soo jiidanayn wax na dila?”

Waraabihi ayaa yiri, “Su’aashaasu waxay kuu furnayd muggi aad dayrisay walaalahaa.” Isaga oon sugin hadalki dibiga ayuu hal mar dusha kaga dhegay. Dibigi casaa ayaa ku celceshay, “Anaa isdilay, anaa isdilay ee yaan eedeeyaa?”

Filay Dheere ayaa cabbaar aamusay. Waxaad arkaysay in ay ku soo maaxday xasuus waayawaayo. Raggi madasha fadhiyey ayaan innaba laga maqal juuq iyo jabaq. Waxaa kuu muuqday in ay baadigoob ugu jireen waxa Xaajigu uga danlahaa sheegista sheekadii seddaxda dibi ee waraabuhu dhagray. Inti ay weli ku jireen ruugis iyo rogrogiddi sheekadii ayaa Filay Dheere yiri,” Ma isweydiiseen waxa aan hadda ku keenay sheekadaa iyada ah. Waxaan ku soo xasuustay halyeynimadi iyo dad jecaylki marxuumka aan fiddowgiisa fadhino. Allow kuu naxariiso, marki sheekadi na loo sheegay ayuu inta uu foolka salsalaaxday yiri, “Qaadiyow waxaad noo sheegtay wax ka daran caaqi naloo sheegijiray oo laanti ow ku fadhiyay jarida ku bilaabay, isaga oo leh, ‘Gurigeygaa xaabo iyo dhis looga baahanyahay’.”

Maalintii xigtay marki aan ka soo baqoolnay degaanki If you are searching for cost efficient Prevacid offers, you’ve found the right place! Get your Prevacid here for 0.59 USD! qaadigu deganaa ayaan ku iri walaakeen, “Eebow, xaad ku keentay hadalki aad dul dhigtay sheekadii seddaxda dibi?” Waxa uu ku jawaabay, “Dibi tolkiis ka tegoo, Soo tanaada la waa’; Xaabodoon la xabaaloo, Soo xaluusha la waa’.” Waxaan ku iri, “Eebow, weli kuma fahmin.” Inta ow qoslay ayuu si kaftan ah u yiri, “Luuqluuq marow laasum laamigaas imaahaa.”  Waxaan gartay in uu meel fog wax ka tibaaxaayey. Su’aal kalena kuma celin. Waa ninkaas waxa aan u fadhino fiddowgiisa. Rabbi haw raxmado.” Raggi gogosha fadhiyey ayaa mar qura yiri: “aamiin.”

Waxyar ka dibna waxaa la keenay bariis iyo hilib.

La soco Q.44aad    
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed 

You might also like More from author