Shariif Xasan oo digniin u jeediyay Golihiisa Wasiirada cusub

Ilwareed Online –

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa khudbad dardaaran ah waxa uu u jeediyay golihiisa wasiirada cusub, isagoona sheegay in looga baahan yahay Wasiir kasta sidii uu howshiisa u qabsan lahaa.

Shariif Xasan waxa uu sheegay in Wasiirkii gudan waaya howlihiisa ay isaga khuseyso isla markaana uu xilka ka qaadayo, taasi oo uu sheegay in la rido Wasiiradii hore markii ay ka soo bixi waayeen howlahoodii.

“Wasiir kasta waxaa laga rabaa inuu howshiisa guto kuna shaqeeyo xafiiskiisa, sababta aan u riday Wasiiradii idinka horeeyay waxay tahay howl gudasho la’aan, haddii aad howshiina gudan weysaan idinka lee waaye” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka inay aqoonsadaan xukuumadiisa cusub isla markaana maamulkiisa ay la garab taageero dhinac walba leh.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Shariif Xasan oo digniin u jeediyay Golihiisa Wasiirada cusub appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author