Shan ruux oo oo ku geeriyootay roobab ka da’ay Puntland

Roobab xooggan ayaa ka da’ay deegaannada Puntland, waxaana roobabkaasi ay sababeen dhimashada illaa shan qof, sidoo kalena daadadka ka dhashay roobabku waxay hakad geliyeen isu-socodka gaadiidka.

Roobabkan oo watay daadad ayaa waxaa ay sababeen dhimashada illaa Shan qof, sidoo kalana daadadka ka dhashay roobabka waxay hakad geliyeen isu socodka gaadiidka.

Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen roobabka in ay labo carruur ah ku dileen deegaan120km u jira degmada Qandala, kana tirsan gobolka Bari, kuwaasi oo jira da’da 8-sano iyo 6-sano.

Sidoo kale mas’uuliyiinta Puntland ayaa waxa ay sheegeen Xarfo iyo Burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal in ay saddex caruur ah ku dileen roobabka daadadka wata ee halkaasi ka da’ay.

Gaadiidkii ka imaan jiray waqooyiga Mudug ayaa waxaa la sheegay in ay ku xayiran yihiin Togga Dur-dur, halkaasi oo ay fariisteen biyaha roobka oo aad u We’ve got the best Dulcolax prices on the modern market. You can buy your Dulcolax for 0.59 USD with us now! fara badan.

You might also like More from author