Shacab Ka Careysan Dilkii Gaashaanle Ciise Jiijiile oo Maanta Dibad Ka Dhigay magaalada Muqdisho

Ilwareed Online –

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dad ka careysan dilkii shalay loo geestay Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jijiile) oo maanta xiray qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama gaar haan inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka.

Sidoo kale Dadka qaar oo la waydiiyay sababta ay u dhigayaan Banaabxa ayaa sheegay in ka careysan yihiin dilkii shalay Agagaarka tiyaatarka Qaranka loogu geestay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya oo si bareer ah loo dilay.

Shacabka xiray qeybo ka mida waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarrama iyaa dhagxaan ku xiray jidka inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka, waxayna diidaan in dadka iyo ciidamada u diideen inay Waddada maraan.

Meydka Allaha u naxariistee Marxuun Ciise Jiijiile Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir ayaa xalay ku beryay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana Ehelada Marxuunka ay diidan yihiin in la aaso iyada oon la cadeyn cidii ka dambeysay dilkiisa, waxaana la filayaa in kulanka Madaxweynaha kadib ay soo baxaan go’aano muhiim u ah ehelada marxuumka.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Shacab Ka Careysan Dilkii Gaashaanle Ciise Jiijiile oo Maanta Dibad Ka Dhigay magaalada Muqdisho appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author