Seddex waxyaabod oo uu Xasan Cali Kheyre ku badbaadsan karo xilkiisa Ra’isulwasaranimo=Faallo=

Ilwareed Online

Siyaasadda xukuumadda Soomaaliya ayaa gaartay meel xasaasi ah, waxaan laga yaabaa inay arrintaan saameyn ku yeelato xilka uu hayo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo u muuqdo inuu yahay shaqsiga wado Ololaha ka dhanka ah Maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Haddaba si uu Xasan Cali Khere u badbaadsado xilkiisa iyo inuusan ku fashilmin siyaasadda Soomaaliya ee uu dhawaangalka ku yahay ayaa waxaan halkaan kusoo bandhigayaa seddex waxyaabood oo Kheyre looga baahan yahay:

1) Inuu Joojiyo Dagaalka uu kula jiro Maamul Goboleedyada:

Dagaalka ay dowladda kula jirto Maamul Goboleedyada Soomaaliya ka jiro ayaa asal ahaan kasoo bilowday fikir uu keenay Kheyre iyo awood ay dowladda u siisay inuu Kheyre sameeyo wuxuu rabo, sidaas darteed ayuuna dagaalka ku bilowday, haddaba Ra’isulwasaare Kheyre waa inuu joojiyo dagaalkaas iyadoo la tixgelinayo qodobada soo socdo:

B) Dagaal kasta oo la galo marka ugu horeyso waa Khamaar, sababtoo ah wuxuu ku bilowdaa natiijo isku mid ah oo ( 50%, 50%) sidaas darteed Kheyre ma heysto damaanad 100% inuu ku guuleysan doono

T) Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood waa kuwa kusoo gubtay siyaasada ku dhisan weerar iyo weerar celis, waxaana laga yaabaa in qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada ay soo weeraraan xukuumadda Kheyre isla markaasna laga diyaariyo mooshin xilka looga qaadayo.

J) Madaxda Maamul Goboleedyada waxay heystaan dowladda Imaaraadka Carabta oo aysan qiimo ugu fadhin lacagta, sidaas darteed mar kasta waxaa macquul ah in lagu fakaro sidii ay Imaaraadka gacan uga geysan laheyd mooshin ka dhan ah Kheyre.

X) Haddii uu dagaalka siyaasadeed ee Kheyre sii socdo, waxaa macquul ah inay dhammaan maamul Goboleedyada u midoobaan si meesha looga saaro isaga intii uu iyaga meesha ka saari lahaa.

2) Inuu la fadhiisto Hiraab:

Ra’isulwasaare Kheyre waxaa muuqato inuu iska indho tirayo rabitaanka iyo la shaqeynta beesha Hiraab, midaasna waxay ku noqoneysaa dhabar jab weyn, si uu xilkiisa u badbaadsado waa inuu si deg deg ah ula fadhiisto Hiraab oo ah quwadda ugu weyn ee Hawiye isla markaasna uu ka iibiyo siyaasadiisa.’

Hiraab waxaa la isku yiraahdaa (Abgaal. Habar Gidir iyo Duduble).

3) Inuu Isku shaandheyn deg deg ah ku sameeyo Golaha Wasiirada

Midda seddexaad ee uu Kheyre ku badbaadsan karo xilkiisa ayaa ah inuu isku shaandheyn deg deg ah ku sameeyo Golaha Wasiirada, maadaama beelaha qaar aysan ku faraxsaneyn shaqsiyaadka ku matalo Golaha Wasiirada, haddaba waa inuu Kheyre tallaabadaan qaado haddii kale wuxuu u nugloonaan doonaa dagaal kasta oo soo wajaho.

Ugu dambeyntii marka loo fiiriyo waqtiga yar ee uu Kheyre hayo xilkaan iyo dhibaatada uu dhexda ka galay ayaa muujineyso inuusan wax badan kala socon siyaasada Soomaaliya ee min bilow ilaa dhamaad isku xiran.

 

Waxaa Qoray : Maxamed Cali Faarax
Email:
siyaasaddamaanta@gmail.com

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Seddex waxyaabod oo uu Xasan Cali Kheyre ku badbaadsan karo xilkiisa Ra’isulwasaranimo=Faallo= appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author