Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ka badbaaday isku day dil

Ilwareed Online

C/laahi Sheekh Cumar oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ka badbaaday weerar ay ku qaadeen maleshiyaadka Al-Shbaab, waxaana soo gaaray dhaawac sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Sarkaalkaasi la weeraray ayaa ahaa Agaasimaha Waaxda shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo Al-Shabaab sheegtay inuu soo gaaray sarkaalkaas dhaawac halis ah, hase yeeshee waxaa la ogaaday inuu yahay dhaawacaasi mid Fudud, iyadoo lala tacaalayo xaaladiisa Caafimaad.


Dhanka kale Al-Shabaab ayaa rasaas ku furay sarkaalka xilli uu shidaal ku shubanayay Gaarigiisa Kaalin shidaal oo ku taala degmada Dharkeynlay ee magaalada Muqdisho.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ka badbaaday isku day dil appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author