Sarifle saakay lagu dilay Degmada Waabari ee magaalada Muqdisho

Bistoolaalay ayaa saakay Suuqa Beerta Degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ku dishay Nin Sarifle ah oo ka mid ahaa Ganacsatada sarifka ee Suuqa Beerta.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Axmed-deey Garfiiq,waxaana Dilka u geystay Rag Bastoolado watay oo markii ay dileen marxuuma isaga baxsaday goobtaasi.

Dilka kadib ayaa waxaa meshaasi dilka ka dhacay gaaray Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo halkaas baaritaano ka sameeyay, ,ama jirto cid ay falkaasi u soo qabteen .

Waxaa magaalada Muqdisho ku soo batay Bisha Ramadaan Dilalka Qorsheysan oo ay geysanayaan Dableey Bastoolado wadata, mana jirto Cid dilalka dhaca loo soo qabto, waxayna tani ku soo aadaysaa xilli dadkii hubka ku watay magaalada Hub ka dhigis lagu sameeyay.

The post Sarifle saakay lagu dilay Degmada Waabari ee magaalada Muqdisho appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author