Sargaal Al-Shabaab ka tirsan iyo ilaalo la socotay oo nolosha lagu qabtay

Ilwareed Online –

Wararka ka imaanaya magaagalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in howlgal ay iska kaa shadeen Ciidamada amaanka maamulada Galmudug iyo kuwa Puntland lagu qabtay sargaal sare oo katirsan Al Shabaab.

Howlgalka wadajirka ah ay fuliyeen ciidamada labada maamul ayaa lagu qabtay sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo si weyn looga baadi goobayay magaalada Gaalkacyo, waxaana sargaalkan horey loogu eedeeyay in uu maleegay qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaaladaasi.

Sargaalka katirsan Al Shabaab ee la qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay C/risaaq Huseen Tahliil oo loo yaqaan (Calool Geel) , waxaana ninkan uu ahaa Taliyihii howl galada kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa Gaalkacyo.

Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay afar nin oo la sheegay in ilaalo u ahaayeen sargaalkan Al Shabaab u qaabilsanaa howlgalada Gaalkacyo, waxaana xubnahan lagu xiray xabsi gaar ah oo si weyn loo ilaalinayo

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaan wali ka hadlin howlgalka ka dhacay Gaalkacyo ee lagu soo qabtay sargaalkan katirsan Al Shabaab, waxaana la filayaa in labada mamaul faah faahino ka bixiyaan howlgalkan saacadaha soo socda.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Sargaal Al-Shabaab ka tirsan iyo ilaalo la socotay oo nolosha lagu qabtay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author