Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo is casilay

Ilwareed Online

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa iska casilay safiirnimada sababo la xiriira arrimo isaga u gaar ah.

Ambassador Schwartz ayaa ahaa safiirkii ugu horeeyay ee uu Mareykanka u magacaabo Soomaaliya muddo rubac qarni ah, waxaana xilka loo dhaariyay bishii June sanadki 2016-kii.

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u xaqiijiyay VOA-da is casilaadda safiirka, isagoo sheegay in is casilaadiisa la soo gaarsiiyay laba maalmood ka hor.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo is casilay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author