Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga oo u digtay muwaadiniinteeda dalkaasi ku sugan

Ilwareed Online

Sida laga soo xigtay warbaahinta bulshada, ciidamada ammaanka Sacuudiga ayaa fashilay weerar meel u dhow Qasriga Al-Salam ee magaalada xeebta, iyada oo mid ka mid ah weeraryahannadii iyo laba ilaaliyayaal ah ay dhinteen.
Safaaradda Maraykanka ayaa ka digtay, Sababtoo ah suurtagalnimada hawlaha Booliska ee socda,muwaadiniinta Mareykanka ayaa lagula taliyay inay taxadaraan marka ay safrayaan.
Qasriga Boqortooyada Sacuudiga ayaa u dhow King Abdulaziz Road iyo Andalus Road dhinaca xeebta magaalada.


Xukuumadda Sacuudiga ayaan weli ka hadlin hadal rasmi ah oo xaqiijinaya dhacdada weerarkaasi fashilmay, iyadoo kooxaha sida Al-Qaacida iyo Kooxda ISIS ee Ciraaq waxay sheegteen dhowr weerar oo ka dhacay Sacuudi Carabiya.
Bishii Luuliyo ee sanadkan, xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerar lagu qaaday magaalada Mecca, oo ay ku eedeeyeen ISIL., waxayna tani imaanaysaa xilli Boqolaal muwaadiniin Sucuudi ah ay safreen Suuriya si ay ugu biiraan kooxda ISIS.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga oo u digtay muwaadiniinteeda dalkaasi ku sugan appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author